Xaqiiqada xaaladda ay ku sugan yihiin Soomaalida xaafadda Islii (WARBIXIN)

December 13, 2012 - Written by


Nairobi:
-Dad aad u badan oo Soomaali ah, ayaa ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, xaafadaha ay Soomaalidu sida aadka ah u sii deggen tahay ayaa waxaa ka mid ah, Section one, Section two oo ay suuqayada iyo meelaha ugu caasnan ku yaalaan, Section three, iyo xaafadda Jaamka, waxaana dadka ku nool ay isugu jiraan dad Soomaali Kenyan ah, kuwo qoxooti ah, iyo dad si kumeel gaar ah dalka u jooga sida dad Soomaaliya ka yimid oo caafimaad ama shaqo kale u jooga, sidoo kale waxaa jira dadka hay’adaha u shaqeeya oo Siminaarro u jooga, Soomaali kale oo dibadaha ka yimid oo sharciyo dalal kale haystana meesha kama marna.

Dadka Soomaaliyeed ayaa waxay Islii ku haystaan ganacsi xoog leh, iyadoona suuqyo badan oo Casri ah lagu soo kordhinayo marba marka ka dambeysa xaafadda Islii, iyadoona suuqyada ay u soo dukaameysi tagaan dad badan oo Kenyan iyo Ajaanib kaleba leh oo meelo kala duwan ka yimaada.

Tirada dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda Islii ayaa aad u badan, iyadoona waddooyinka qaar ay adag tahay in la maro ciriiriga ka jira awgiis, waxaana meelaha tirada dadka laga qiyaasi karo ka mid ah fagaarayaasha dadku isugu yimaadaan sida baraxadaha lagu tukado salaadaha ciidda oo sii kordhaya.

Tan iyo intii ay qaraxyada iyo amni xumadu ku soo badatay xaafadda Islii, gaar ahaan labadii qarax ee ugu dambeysay ee ka kala dhacay Bas rakaabka qaada iyo Masaajidka Hidaaya, oo ay ku dhinteen 20 qof isu geyn 50 kalena ay ku dhaawacmeen, ayaa waxaa xaafadda Islii lagu soo daayey ciidamo badan oo Boolis iyo Militeri isugu jira, kuwaasoo qabqabtay boqolaal qof oo Soomaali ah.

Howlgallada ciidanku kala joogsi malahan habeen iyo maalin, waxaa intaas dheer ciidanku waxay garaacayaan dadka, iyagoo weliba aad u baqdin gelinaya. dariqayada xaafadda Islii ayaa waxaa la arkaa in dad badan ay isku buurtaan marka ay ciidanku u soo dhaqaaqaan dhinacooda, iyadoona dadku ka baqanayaan in lagaraaco ka dibna la xiro, soo deyntoodana waxaa ku baxeysa lacag 1000 doolar ka badan, waaba ciddii nasiib u yeelata in la soo daayee, hana hilmaamin inay adag tahay  marka qofka xabsiga la geeyo inuu si dhaqso ah uu ku soo baxayo. waxaa laga yaabaa inay Todobaad ku qaadato.

Dadka qoxootiga ah ha ugu darnaadeen, balse waxaa iyagana qeybtooda aan dhib yareyn kuwa dalka u dhashay ee Soomaalida ah, sidoo kale dadka sharciyada dalalka kale wata ayaa wax la qaba dadkooda, waxaana intaas u dheer bah-dilka iyo baqdin gelinta ay la kulmayaan.Hadal haynta ugu badan ee Soomaalida ayaa ah Raaf laga baqayo, habeen walbana waxaa la hadal hayaa in guryaha leysku soo gali doono, iyadoo haddaba guryo iyo hotelo badan la galay dadna lagala baxay.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, ayaa waxaa Islii siyaado ku haa dhamaadka sanadka howlgallo lacago badan dadka looga gurto, iyadoona sanadkan ay u dheer tahay ammaan darri ku soo korortay xaafadda, taasoo ilaa iyo hadda cid si dhab ah farta loogu fiiqo karo ayan jirin, waxaana arrinku u muuqdaa ” meel aan doonayey ma iigu carartay”. wararka buun buuninta ahna meel sare ayey ka gaareen Soomaalida dhexdeeda, ku waasoo baqdinta dadka ku sii kordhinaya.

Hadalkii Ra’isul wasaaraha Kenya Raila Odinga, ee ahaa in dadka Soomaalida ah dalkooda lagu celinayo, ayaa arrinta sii cakiriyey, iyadoona qofka Soomaaliga ah ee Islii ku nool, (waa kuwo qoxootiga ahee) ay dhimasho ula macno tahay haddii uu Askari qabto.

Ugu dambeyntii: iyadoo waxaasoo dhan ay jiraan ayaa haddana noloshu kala socotaa, waxaana soo baxeysa baaqyo dadka loogu sheegayo inay is dajiyaan xuquuqdoodana sharci ku doontaan, waxaana xusid mudan in dadku ayan bulsho ahaan u abaabulneyn.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online