Xiisad Dagaal oo laga dareemayo Deegaanada Buulo-Xaaji, Abdalle Biroole iyo Beerxaani

December 24, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan magaalada Kismaayo iyaga oo ciidamo ka tirsan kuwa huwanta ay u dhaqaaqeen Deegaanada Buulo-xaaji, Abdalle Biroole iyo Beerxaani

Deegaanada Buulo-xaaji,  Abdalle Biroole Biroole, Beerxaani  ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxaaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhexqarxo ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab.

Ciidamada DFS kuwa Raaskaambooni iyo ciidamka dalka Kenya  ayaa sida dad goobjoogyaal ah oo ku sugan J/hoose ay sheegayaan waxay u ruqaansadeen deegaanada Buulo-Xaaji iyo  Abdalle Biroole iyo Beerxaani

Ciidamada huwanta ayaa isbuucaan guduhiisa waxay la wareegeen deegaanka Buulogaduud oo 30-KM dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Ilaa haatan ma jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka huwanta iyo waliba kuwa Al-Shabaab oo ka hadlay xiisada dagaal ee ka taagan deegaanada Buulo-Xaaji,  Abdalle Biroole Beerxaani  .Dadweynaha ku dhaqan Deegaanada Buulo-xaaji,  Abdalle Biroole , Beerxaani  ayaa ka cabsi qaba in lagu kor dagaalamo .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online