Xildhibaan ka tirsanaa golaha degaanka Laascaanood oo caawa la dhaawacay

December 20, 2012 - Written by

Laascaanood:-Waxaa caawa lagu dhaawacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool mid ka mid  ah Xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood oo dhowaan la doortay. Xildhibaanka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdicasiis Xuseen Xassan iyagoo rag hubeysan ay rasaas ay ku fureen ay ka haleeshay qoorta iyo lugta.

Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood oo sameeyey howl ayaa qabtay ilaa 2-bo qof oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyeen weerarka la doonayey in lagu khaarajiyo Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Xassan. Mid ka mid ah 2-da qof ee ay ciidanka Boolisku ay qabteen ayaa waxaa uu qabaa dhaawac waxaan eedeysanayaashaan caawa lagu xiray  Saldhiga magaalada Laascaanood.

Dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ayaa ah kuwa lagu bartilmaamsado masuuliyiinta iyo waxgarad ka tirsan maamulka S/lland iyo Puntlland ee ku nool magaalooyinka Laascaanood , Boosaaso, Gaalkacyo mana jirto ilaa hadda cid sheegta dilalkaas iyo qaraxyada. Magaalada Laascaanood Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa qaraxyo iyo dilal qorshayn waxaa lagu dilay  Saraakiil , Nabadoono,ganacsato, Wariyaal  iyo waxgarad kale.

Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Xassan ayaa isla caawa waxaa dhaawaciisa loo qaaday magaalada Hargeysa ee caasimada S/lland iyadoo ay dhakhaatiirto ay la tacaalayaan dhaawaciisa.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online