Guddi-hoosaadada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la ansaxiyey maanta

December 15, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xildhibaannada baarlamaanka DFS ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay gudi hoosaadyo uu yeelan doono golaha baarlamaanka DFS waxaana ay gudiyadaas gaarayaan 15 guddi-hoosaad  kuwaas oo ka howlgali doona lana xisaabtami doona wasaaradaha xukuumada Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka ee DFS ayaa waxaa maanta shirgudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka DFS  Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana kulanka soo xaadiray 158 xildhibaan waxaana markii cod loo qaaday gudihoosaadka baarlamaanka haa ku codeeyey 156 xildhibaan .

Golaha baarlamaanka ayaa waxaa kale oo uu ansaxiyey guddi joogto ah oo uu madax u yahay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa kuwaas oo si joogta ah uga shaqeyn doona sidii dardar la galiyo howlaha baarlamaanka Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online