Xiriirka Kenya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo sii xumaanaya

December 1, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa sii xumaanaya xiriirka u dhexeeya dowladda Kenya, iyo tan federaalka Soomaaliya Xiriirka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, ayaa hoos u sii socda, iyadoona taasi ay muuqaneysay tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud.

Qaraxii wafdiga Kenya ee magaalada Muqdisho

Markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, uu doortay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, ayaa Kenya waxay Muqdisho u dirtay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, waxaana dhacday in qarax ismiidaamin ah uu  dhacay  intii uu socday kulanka wafdiga Kenya iyo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Qaraxaas cidna waxba kagama noqonin dowladda Kenya, balse aad ayey uga carootay, waxaana isla markiiba eedda qaraxaas Kenya ay dusha uga tuurtay Madaxweynihii hore ee KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed, waxaana xusid mudan in Shariif  Sh iyo Xasan Sh labaduba gaashaanka u daruureen eedeyntaas.

Caleemo Saarkii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud

Maalintii xilka uu la wareegayey Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, isla markaasna xafladda lagu caleemo saarayey ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay dalalka dariska iyo wadamo kale, ayaa Kenya ayan wafdi usoo dirin xafladdaas, waxaana taas si cad marada uga feydeysay in Kenya aaney xiriir wanaagsan la laheyn Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Maamul usameynta Jubooyinka

Gudaha dalka Kenya, ayaa waxaa ka soconayey qaban qaabada maamul u sameynta gobolada Jubooyinka, taasoo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud u arko mid lagu dhantaalayo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana soo baxayey warar saxaafadda leysu marinayo, kuwaasoo muujinayey sida labada dhinac u sii kala fogaanayaan.

Kabaaqashadii Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ee dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku kala bixinayey dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa sida qorshuhu ahaa waxa uu imaan lahaa dalka Kenya, ayna ku sugneyd wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, balse xukuumadda Kenya, ayaa ka cudur daaratay in Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu dalkeeda booqasho ku yimaado, waxayna taas keentay in Madaxweyne Xasan uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

Warka ku saabsan baaqashada safarka Madaxweynaha, ayaan si cad shaaca looga qaadin, balse ilo xogogaal ay ayaa soo tabiyey, iyadoona marka tan kuwii hore lagu daro ay muujineyso sida labada dhinac u sii kala durkayaan.

Ugu dambeyntii: dalka Kenya, ayaa gudaha Soomaaliya, waxaa ka jooga ciidamo Militeri ah, kuwaasoo aan xiriir la sheego la laheyn taliska AMISOM ee magaalada Muqdisho, waxaana taasi macnaheedu noqoneysaa in dalalka gobolka ay ku loolamayaan gudaha Soomaaliya.

Xigasho Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online