Urur Siyaasadeedka Midnimo oo looga dhawaaqay magaalada Boosaaso.[Daawomasawirada]

December 11, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta looga dhawaaqay Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari Xisbi siyaasadeedkii 3aad oo loogu magacdaray Xisbiga Midnimo kaas oo ku biiray Xisbiyo siyaasadeed horay loogu dhawaaqay maalmo ka hor. Ilaa hadda waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Horseed oo ah midka dowllada Puntlland ,Xisbiga Horcad  Xisbiga UGUB iyo Xisbiga Midnimo.

no images were found

Shir balaaran oo ka dhacay  Hotel Jubba ayna ka soo qayb galeen  Siyaasiyiin , Isimo, Quro-joog ,culimo’udiin ayaa lagu shaaciyey in Xisbiga Midnimo uu si ku meel gaar ah guddoomiye u ahaan doono Dr Saadiq Eenow oo ah Dhakhtar , Qoraa iyo Taariikh yahan si wanaagsan u yaqaan Taariikhda dalka Soomaaliya.

Dr Saadiq Eenow  ayaa hadal uu ka jeediyey  shirka waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo nidaamka lagana fogaado waxkasta oo keeni kara colaad iyo dagaal. Shirka ayaa waxaa kale oo ka hadlay siyaasiyiin xilal kale duwan ka soo qabtayb dowllada Puntlland , Aqoon yahano ,Isimo, culimo’udiin iyo waxgarad kale duwan waxaan ay dhamaantood soo dhaweeyeen Xisbiga Midnimo  ee maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonaa Xisbiga Midnimo  iyo hadaladii uu ka jeediyey Dr.Saadiq Eenow ka jeediyey madasha shirka markii ay na soo gaarto  haddii alle idimo.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Hambalyo Hambalyo, Dr saadiq Aadan Ayaan u garanayaa Waa Lecture, Murabi, Dr Caafimaad Mudabadan Experience Waa Taariikhyahay Dhanka Somalida iyo dhaqanka iyo suugaanta, waa aqoonyahan ku xeel dheer dhulka iyo Bada soomaliya aqoonna ule strategist ga Galada iyo waxa ay ka rabaan wadanka 2009 ayuu lecture ku saabsan mowduucaas ka jeedshay boosaso marka Midnimo Dr Saadiq Welcome Welcome Welcome…………. masha alaah ilahy ka kuwafajiyo khayrka

  2. Khayr iyo Abshr

  3. Khayr ayaan ku malaynayaa Dr Saadiq waana soo dhowaynayaa inshaaAllah

  4. waan soo dhawaynayaa shaqsiyan arintaan dr saadiqna waa nin siweyn looga yaqaano soomaliya ilaahayna hawaafajiyo wixii khayr ugu jirto ummada aamin

Leave a comment

*