Abu Mansuur Al-Amriki o mar kale sheegay in Naftiisa ay khatar ku jirto(Daawo)

January 9, 2013 - Written by

Muqdisho:-Waxaa mar kale la soo dhigay barta Youtube-ka qeylo dhaan mar kale ka timid Abuu Mansuur Al amriki oo ay dhawaan Ururka Al-Shabaab ka mamnuuceen in uu ku hadlo afka Muhaajiriinta ka garab dagaalanta Al-Shabaab iyaga oo iska fogeeyey sidoo kale in uu wax xil ah ka hayo Ururka Al-Shabaab.

Fariinta la soo dhigay barta Youtube-ka  ayaa waxaa uu Abu Mansuur Al-Amriki codsi u dirayaa Hogaanka sare ee Al-Qacida isaga oo muujiyey in naftiisa ay khatar ku jirto fariinta ayaa soconeysa mudo 1 daqiiqo ah waxaana ka muuqda Abu Mansuur Al-Amriki baqdin iyo argagax.

Abuu Mansuur Al-Amriki ayaa codsiga ugu magac daray Fariintii ugu danbeysay (النداء الأخير من العبد الفقير؟؟؟ ~ The Final Appeal) wuxuuna ku hadlayaa afka Carabiga Fariintan ayaa waxaa la soo dhigay barta Youtube 7 Jan 2013 .

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa horey baaqyo kala duwan oo tilmaamaya in naftiisa ay khatar ku jirto iyo khilaaf in uu ka dhexaloosan yahay Ururka Al-Shabaab iyo Muhaajiriinta soo dhigay barta  Youtube -ka .

Halkan ka daawo Fariimo hore uu soo diray Abu Mansuur Al-Amriki isaga sheegay in naftiisa khatar ku jirto

Halkan ka Akhriso Bayaankii Ururka Al-Shabaab u ka soo saaray Abu Mansuur Al-Amriki.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

14 Comments so far

Leave a comment

  1. asc. MARKII HORE AL SHABAAB AYAGAA DADKOODII MADHIYAY OO MIDH MIDH UCUNAY HADDA SE WAA XILIGII IYAGU IS MIDH MIDHAYSAN LAHAAYEEN EE MIDBA MIDKA KALE BIDHANLAA

  2. asc aad ayaad u mahadsantihiin dhamaan waana wax macquul ah in ina godane hadaf kale leeyahay kollay hadafkiisu waa diin xunayn islaam xumayn jihaad xumayn iyo dadka in diinta islaamka lagu diro marka yaan lagu dagmin isaga iyo kooxdiisa midana

  3. war ninka indha adgaa kurbada haysato waa maxay?
    wiil uu dhalay miyaa qoorta laga jaray?
    aabihii oo masjid ka soo baxay miyaa la toogtay?
    hooyadii oo suuga ka soo adaygayso miyaa miino lagu qarxiyey?
    walaalkii miyaa gaari qarax ka buuxo loogu been sheegay oo lagu yiri walaal gaari waxaa gaysaa meel heblaayo?
    maraykanka miyuu dagaal kula jira?misa somalida?
    ilaahay ha ku halaago adiga iyo cidii ku soo dirtay tuug yahawo, waxaad la socon somalida iyo dhaqankeeda.

  4. Asc warax matulaah Amiga waxaan umalay nayaa inuu ninkaan waashay ok madaxa looga jiro waayo had a canal buy zoo dirayaa hadii uu fahmi waste ragaan uu iskaga tago tankale anigu ma aamin sani inagodane inuu Somaliland U joogo meesha laakiin waxaa uu ku shaqeeyaa maskax taas kaduwan oo Karin waxaa kajira ee dhabtaa waayo nin maanta og xaalada soomaaliya dagaalka dagaal masii warren.nabad buuna qaadan lahaa.

  5. Sc wr wb. Cadnaan walaal waa runtaa wadna mahadsantahay sida wanaagsan ee aad runta u sheegtay inna godane wuxu meesha u jogaa siilaanyo marka yaana lagu daalin.

  6. car wakaase meel ay gaalo ka xoreeyeen soo hela inay dhulalka muslimiinta cadaw gacanta u geliyaan mooyee, waxay dadka aan waxba ogeyn ugu sheekeeyaan inay itoobiyaanka iyagu ka saareen dalka, xagay uga saareen shacabka soomaaliyeed baa waayeel iyo dhallinyaro caruur iyo cirroolaba qoriga qaadey dal iyo dibadba oo itoobiya ay weysey meel ay xataa ku kaadiso illaa ay gaartey inay dhufeysyadii ay ku jireen ay jeerigaamada ay biyaha ku dhaansan jireen ku saxaroodaan oo musqul ka dhigtaan, markay ogaadeen itoobiyaanku in shacabka soomaaliyeed oo dhan ay dhinac uga soo wada jeedaan ayaa ay halhaleel uga baxeen, sidee marka alshabaab u sheegtaan guushii shacabka.

    waxaana taas ku tusinaya inay been ku sheegayaan itoobiyaanka oo lagu qiyaasayey xilliyadaas ilaa 50,000 (konton kun) oo askari oo ay soomaaliya soo geliyeen waa ku adkaan waayeen soomaaliya siiba muqdisho, haddii marka ay alshabaab run sheegayso inay itoobiyaankaas bixiyeen iyagu maxay uga adkaan waayeen 5000 oo Amisom ah, oo ay dalka uga saari waayeen waa iyaga xamar duhur cad ka dhaqaaqaye iyo goobihii kale ee muhiimka ahaaye, taasi marka waxaa ay ku tusinaysaa in waxa ay sheeganayaan uu been iyo borobogando yahay.

    Dhinaca kale hadalka majid waa runbaa la oran karaa waayo in soomaalida koonfureed uun la qaso si somaliland loo aqoonsado waa ajende reer hargeysa ay wada aaminsan yihiin arrinkaasina waxaa u fulinaya wiilkooda ina godane, abuu mansuur iyo kuwa la midkaana waxaa ku gadoontey khayuaanadii iyo godkii ay u qodayeen shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah ee dhiigooda laga baayacmushtarayey, waxaana kusoo laabatey dhagartii ay u maleegayeen shacabka ….ilaahayna runbuu ku sheegay markuu lahaa “WALAA YAXIIQUL-MAKRU SAYYIU ILLAA BI’AHLIH” taasoo macnaheedu yahay dhagarta xun qofkeeda ayuunbay qoorta ugu duubmataa, marka markii dhiilalkii lasoo galey laysku fahmi waayey ayay iyagu iscunayaan….. alleylehe baga ayaanu leenahay hadaanu shacabka dhibban nahay….

  7. wal aad baad u mahadsanatahay waaa sidaad usheegtay awalba alshabaab diin meesha kuma hayn ee culimada ,carruurta iyo shacabka somaliyeed baylaynayeen

  8. war meesha jihaad warkiisa ma jiro ee lacagtii faraha badneed iyo kibirkii ayaa dhamaaday oo iyaga ayaa doonaya in eey is cunaan abuu masuur yaashana wexeey u barteen lacag lagu kirbo waa wixii la rabo laga sameestay jihad kulahaa war jihaad ma jiro axmed godane meesha wuxuu u jogaa in uu somalia inteeda kale dab ka shido somalilandna uu difaaaco bal idinkuba aqligiina kaasga oo eega kenya ayaa qarax ka dhacaa muqdisho iskaba daa puntiland waaba xarunta qaraxa hada lakiin yaa maqlay somaliland oo qarax ka dhacay? ethopianka waaba meesha eey ku ganacsadaan nac nacda inta leeska deeyo ninka ina godane eh kaartadiisa hala fahmo somaliland gaalada weey soo dhaweestaan maxaa jihaadka hargaisa loo geeyn waayay? mise jihaaadka xaga waa ka mamnuuc? ileen al shabaab somalia iyo kenya waa rogeene hada ayaase dabada loo qabtay oo ilaah iyaga iska hor keenay.

  9. maxuu ka soo doonay wadankeena waxuu mudanyahay in sharciga la mariyo.imisa dad oo somali ah ayuu dilay.

  10. Allaahu Akbar..Ninka iskusheegay Said iyo Walaalaha, hadaad Shabaab mujaahidiin ku sheegteen Allaah idinka iyo Shabaab ha’idinsoo hadeeyo. Dhibkii iyo rafaadkii ay Shabaab badeen Muslimiinta Soomaaliyeed mid sidaas lagu illoobo manoqondoono, Shabaab iyo wixii ra’yi iyo fikir lawadaago Allaah xaqa ha tuso.

  11. saciid jasakalaah walala wa sas sida ad cadalada ugu fashay ilah ha ka ajarsiiyo mujahidintana qalbigooda allaah isu soo duwo

  12. ac
    waxaa ila quman in culimada soomaaliyeed ay maanta doorkooda ciyaaraan,hadii alshabaab wixii u waday uu maanta soo gaadhay in ay soomaali iyo ajaanib u kala baxaan waxaa haboon in culimada soomaaliyeed kala dhex galaan iskuna dayaan in ay kala badbaadiyaan.Dhalinta dibada ka timid culimadu waa in ay si nabad galyo ah ugu celiyaan dhulalkoodii. Inta soomaalida ahna waa in loo caqli celiyaa,laguna soo daraa bulshada.
    wc

  13. markii horaa lagu hawlgalay fikir inxiraaf iyo quluwi xanbaarsan waana iska dabiici inaysan sii waarayn fikir takfiiri meeluujoogaba FACTABIRUU YAA ULIL ABSAAR

  14. isha ALLAH wax ma dhici donan walalaha mujahidiinta waa hagaagi doonan walalkaan waxu ku qaldan yahay ama looga qaldan yahay wa la xali donaa waxan u rajeynaa walalaha mujahidinta in ay halkaa ka sii wadaan la dagaalka kufaarta saliibiga ee amisom loo bixyay iyo kuwa khudamada u ah inkastoo imtixaan badan la mari doono wanarjuu isha ALLAh kheyr

Leave a comment

*