Afhayeenka ciidanka Kenya oo ka hadlay Maxaabiista ku jira gacanta Al-Shabaab

January 24, 2013 - Written by

Oguna-resizedNairobi:-Afhayeenka ciidanka dalka Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in aysan dowladiisa aysan wax wada-xaajood ahi aysan la geli doonin Ururka Al-Shabaab mar uu maanta wareysi siiyey wakaalada wararka ee AP(Associated Press) .

Col. Cyrus Oguna ayaa la weydiiyey wax dowladiisa ay ka yeelayso baaqa ay jeediyeen la heystayaasha Kenyaanka ah iyo digniinta ay Ururka Al-Shabaab u direen dowladiisa waxaana uu sheegay in dadka ka soo muuqaday filmka Muuqaalka ah oo ay soo bandhigeen Ururka Al-Shabaab ay yihiin dad rayid ah oo aysan ahayn maxaabiis dagaal lagu qabtay wuxuuna ugu baaqay Ururka Al-Shabaab in ay sii dayaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay soo bandhigay muuqaalo iyo masawiro ay leeyihiin Maxaabiis Kenyaan ah kuwaas oo ay Ururka Al-shabaab ka qabsadeen gudaha dalka Kenya waxaana filmka baahisay Mu’assasada Warbaahinta ee Ururka Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib .

Ururka Al-Shabaab ayaa ugu baaqay in dowlada Kenya sii deyso maxaabiista Muslimiinta ah ee ku xiran dalkeeda iyo kuwa ay u gacan galisay dowlada Ugandha hadii arinkaas ay dowlada Kenya ay diido Ururka Al-Shabaab waxay xukun dil ah ku fulin doono laheystayaasha Kenyaanka ah oo ku jira gacanta Ururka Al-Shabaab.

Ururka Alshabaab ayaa sheegay in mudada digniinta loo dirayo dowlada Kenya ay ka bilaabaneyso 24-01-2013 oo ah caawa saq dhexe  waxaana ay dowlada Kenya heystaa muddo 3 todobaad gudahood ah oo ku eg 14-ka February 2013.

Dhanka kale, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Thuita Mwangi ayaa ka gaabsaday in uu jawaab toos ah ka bixiyo baaqa iyo digniinta Al-Shabaab wuxuuna sheegay in uusan daawan filmka muuqaalka ah oo ay baahisay Mu’assasada Warbaahinta ee Ururka Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online