Banaanbax ka dhacay Qardho iyo xaafadaha Boosaaso oo ciidan lagu daadiyay

January 7, 2013 - Written by

Qardho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa sheegaya in banaanbax ka dhan ah xukuumada Madaxweyne C/raxmaan Faroole uu ka dhacay magaalada Qardho waxaana uu Banaanbaxa ahaa mid si nabad ah ku dhacay .

Ciidamada amaanka iyo Maamulka Degmada Qardho ayaa kor kala socdaya Banaanbaxa ka dhacay maanta magaalada Qardho ilaa haatana ma jiraan wax iska horimaad ah oo dhexmaray ciidanka amaanka ee Qardho iyo dadweynaha Banaanbaxa dhigayey

Dhanka kale magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka waxay ku waabariisatay ciidamo aad u tiro badan kuwaas oo ku gaashaaman Gawaarida Tiknikada ah waxaana ay gaafwareegayaan xaafadaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Ciidamda Daraawiishta Puntland iyo kuwa Badda ayaa la soo dhoobay jidadka  magaalada Bosaaso sida waddada tagta Madaxtooyada, Isgoyska Gaaca, iyo waddooyinka xaafadda Laanta Hawada iyo Xaafadda qadiimka ah ee Xaafad Carab waxaana ay baarayaan Gawaarida u kala goosheysa xaafadaha magaalada Boosaaso.

Mucaaradka xukuumada Madaxweyne Faroole ayaa ku doodaya in wakhtiga dowladiisa ay ku egtahay maanta  iyaga oo ugu baaqay in uu qabto doorasho waxayna xaaraan ku tilmaameen halka sano ay dowlada Madaxweyne Faroole ku darsatay.

Dhanka kale Xukuumada Madaxweyne Faroole ayaa ku doodaysa in halka sano uu yahay mid sharci ah ayna ansaxiyeen baarlamaanka Puntland iyo 480 ergooyin oo ka kala yimid gobalada Puntland waxaana goobjoog ka ahaa madashaas Isimada ugu waaweyn deegaanada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online