Cabdiwaaxid Khaliif oo furay web Cusub waa Maxay sababtu ??

January 22, 2013 - Written by

AlkhaliifahLondon:-Salaanta Islaamka ka dib anigoo ah Cabdiwaaxid Khaliif waxaan ku wargelinayaa bulshada Soomaaliyeed in aan furay bar Internet oo aan ugu magacdaray  http://alkhilaafah.com/ u jeedadda aan u faray webkaan cusubna waxaa weeyey in aan isku soo jiido ducaada , culimada ,waxgaradka iyo dhamaan dhaq dhaqaaqyada Islaamiga ah si loo gaaro is afgarad iyo midnimo buuxda.

Haddaba waxaa bulshada  ka codsanayaa in ay igu soo biiriyaan wax walba oo talo iyo tusaalayn ah anigoo u diyaar noqon doono in wixii talo ah oo aan diinta ka horimaanayna aan qaato waad mahadsan tihiin wada shaqayn wacan.

Maamulaha Shabakadda http://alkhilaafah.com/

Cabdiwaaxid Khaliif

6 Comments so far

Leave a comment

  1. Cumarow walaale hadalkaagu waa sax dhinaca aad leedahay ha la heshiiyo oo ha la midoobo, laakiin waxaad la socotaa khilaafka iyo dagaalka 4tii sano ee la soo dhaafey ka dhex socdey salafiyiinta khaasatan soomaaliya af iyo adinba waxa uu ahaa mid kasoo fulayey hal jiho oo xaqqa alle hadaan u hadalno kooxna weerar ayay ku jirtey kooxina difaac ayay ku jirtey adiga laftaada inaad sidaas u caddeyso ayaa la doonayaa.

    Dhinaca kale waxa khilaafku ka taagan yahay ee laysku hayo waa masaail diini ah oo qofkii yaqaanna uun uu xaq u leeyahay inuu ka hadlo sida culimada, culimaduna wax kastoo ay isdhahdo meel loo maro ayuu leeyahay, laakiin maxaa uga furan masaailkaas nin caami ah ama mid xoogaa soo bawsaday oo xamaasi ah, kuwase cayda iyo aflegaadada u furtey websiteyada si ay ugu cunaan hilibka culimada hadh iyo habeen ee aan sheekhna ahayn xataa ardey ahayn maxaad ku macneyn lahayd…? waxaanan oran karnaa dhibka maanta yaalla ee salafiyiinta soomaaliyeed ka dhexjira culimadooda iyo ducaadooda iyo caamadoodaba 95% waxa keenay ee halkaad aragtay gaarsiiyey waa wiil dhallinyaro ah oo aan cilmi lahayn oo xamaaseysan oo inta sida wax loo qoro bartey wax uu u aaboyeelayo uusan jirin oo haddana ku darsadey fahan xumo xagga diinta ah oo inta wax lagu programgareeyey ay tiisa uun kaga go,an tahay, wax ixtiraam culimo iyo waxyaabihii aasaasiga shareecadan u ahaana dhinac iska dhigay waliba ku indho adag inuu alle ugu dhowaanayo caydaan iyo aflegaadadan culimada, markaas ayuu lumey wixii miisaan la oran jirey iyo wax walboo caqli ahaa, marka hadii inta alle sawaabka garansiiyey oo laga yaabo in alle kheyr la doonay lagu yiraahdo war waaba wax wanaagsan hadaad majarahaagii bedaleysee hadee waxyaabihii raadad ahaa ee dadka u muuqdey meel saar oo atleast alle tawbadiisa ka sokow ummad badan oo culimo iyo caamoba lehna waa khusaysaaye gartaada ogolow hadii saas lagu yiri ma ahan wax khaldan, ee waa shey diinta ka mid ah, hadii kale maxaa itijaaha uu doonayo inuu ambaqaado lagu aaminayaa oo lagu rumeysanayaa, waxaan aad ula yaabaa jaanibkaas qirashada wixii jirey (ama ictiraafu dambi) waxaad mararka qaarkood is oranaysaa nimanka gaalada madaxdooda ah ayaaba kaga fahan fiican inbadan oo muslimiinta ka mid ah waayo waxaad arkeysaa waddamada gaalada marka qof dawladda xil sare ka hayey ay ku timaado wax uun eed ama khalad faadix u muuqda oo wasaaraddiisa amaba isagaba ka yimaado si ay usoo koobaan arrinka oo dhan oo aannu usii socon waxaad arkeysaa ninkii masuulka meesha ka ahaa oo khaladkii raalli gelin ka bixinaya masuuliyadeedana dusha u ridanaya, waliba intaas kuma ekaanayee wuxuu iska casilayaa oo ka tanaasulayaa jagadii uu hayey, tusaale ahaan waddanka mareykanka waxaan xasuustaa nin ka mid ah ragga ku jira xisbiga jamhuuriga ayaa sanadkii 2012 mise 2011 waxaa kusoo baxdey fadeexo ku saabsan naag uu la sheekaystey oo uu u direy sawiradiisii oo dhar yaryar uu qabo arrinkaas markey dhacdey buuq badan iyo sawaxan ayay warbaahinta iyo shaarica mareykanka oo dhan ka abuurtey illaa isagii uu dadka reer mareykan ku raalligeliyey inuu khaladkaas ka xunyahay waliba wuxuu iska casilay xubinimadii xisbiga jamhuuriga ninkaas magaciisa ma xasuusto sidaas ayaa hawshii oo dhan kusoo koobantey, isaga kaliyana maahee nimankaan reergalbeedku waxaad mararka qaarkood oraneysaa aad bay ugu horreeyaan ictiraafu dambi oo markiiba ay qaab iyagu ay isku rumeystaan oo curfigooda ah ay uga jawaab bixiyaan taasina waxa ula jeedaan waa inay badbaadiyaan sumcadooda iyo wajigooda, sidoo kale abuu sufyaan markii hiriqle wareysanayey ee nebiga ka wareysanayey aad iyo aad ayuu isaga ilaaliyey inuu wax been ah ka sheego nebiga iyo muslimiinta isagoo waliba markaas gaal ahaa waayo beentu waxay ka mid tahay akhlaaqda aadka u xun diinteenuna sheegtay, waxaana qof ugu filan nusqaan iyo ceeb in la yiraahdo qofkaasi waa beenaale, sidaasaa gaaladuna oo aan alle ka baqeyn ay ugu dedaalaan inay dhisaan misdaaqiyadooda.

    Hadaba dunuubta la galaayi waa labo nooc. mid ku tacaluqda xaqqa ilaahey oo ah dembi ay kaaga filan tahay inaad alle ugu toobad keento oo qura oo ku filan inaad isaga uun si hoose iyo si sareba aad u weydiisato dembi dhaaf, iyo mid ku tacalluqa xaqqa aadamaha , midkaan dambe ee xaqa aadanaha ah shuruuddiisa waxaa ka mid ah inaad xa xalaashatid wixii aad u geysatey walaalkaaga muslimka ah oo aad weydiisato cafis amaba aad u guddo hadii uu ahaa maal iyo wixii la mid ah, taas lafteedu, marka cumaroow ma ahan wax fudud in qofku inta waxa uu doono uu sameeyo uu haddana berri weji kale la dhex yimaado bulshada (waxa aan ka wado waxaa weeye qofku misdaaqiyadiisa iyo mustaqbalkiisa ayayba u tahay farajfur in bulshada ka kasbado raalli ahaansho) hadii kale waxaa lagu oranyaa war kii shalay waxaas ku dhexjiraye muxuu sheegayaa, tusaale koobana waxaa u ah munaafaqii c/hi ibnu ubayya isagoo nifaaqiisii la ogyahay iyo dibindaabyadiisii nebiga iyo muslimiinta uu ku hayey ayuu haddana wuxuu doonayey inuu isu ekaysiiyo nin muslim ah oo daacad u ah nebiga iyo muslimiinta oo waaka siyarka lagu sheego inuu nebiga markuu khudbeynayo inta ka hormaro oo minbarka ka istaago uu oran jirey kelimaad uu isu muujinayo inuu nebiga soo dhoweynayo oo ku boorinayo dadka in la adeeco, xataa ka dib dagaalkii uxud markii lasoo noqdey ciidankiisii dhawrka boqol ahaa ee uu ugu talagaley inuu ku fashiliyo duulaanka ayuu taas ka gadaal wuxuu isku dayey inuu sidiisii inta minbarka istaago uu iska dhigo mid nebiga kusoo dhoweynaya meesha, saxaabaduse dheg jalaq uma siin ee waabay ku baxbaxsadeenba sida la sheego iyagoo hiifaya oo hagardaameynaya, marka taasi arag c/hi ibnu ubaya waxaa ku dhacdey misdaaqiyad la,aan iyo isagoo weli wixii laga aaminsanaa aan bedelin oon kasoo laaban ayuu damcey inuu muslimiinta siro oo weji kale isku tusiyo, marka waxa misdaaqiyada la yiraahdo ama qabuulka iyo kalsoonida aad dadka ka kasbaneysid waa wax ku beysgareysan dhaqankaaga iyo akhlaaqdaad, waa waajib marka hadii aad rabto inaad dadka hogaamiso oo aad gool leedahay aad rabto inaad gaarto inaad haysato weji daacad ah iyo misdaaqiyad la rumeysan karo oo bushada aad rabto inaad hogaamiso aad ka haysato, cay iyo cadaab ma ahan marka hadii qof walaal ah oo soo noqosho damcey lagu yiraahdo walaal sidaas ayaa ka mid ah inaad yoolkaaga gaartee ku talaabso….
    waxaan kusoo gaabinayaa ilaahay sawaabka iyo jidka saxiixa ah ha na waafajiyo oo muslimiinta oo dhanna ha isu keeno oo muwaafaqo dhab ha ha siiyo.

  2. asc ikhwaani fillah, ugu horeen waxn salamaya akhyaarta halgan.net, intaa kadib waxan raba waxyar ina ka arihado dhalinyarada kommentiga qoraya. walalayaal horta waxa muuqda isbedel weyn oo an dareemaya lakiin ila hada wax ka dhawajiyay majirin. isbadalkasi muxuu yahay? isabadalku waxa weeye in 4sano eela soo dhafay dagaalki ka dhex socday salafiyada oo hoos ugaabtay. waa arrin lasoo dhaweeyo waxa ugu horeeyo ooka tunasulaya waxa kamida webkaan oo culimo iyo kkoxo salafiyiina oo masala isku hayeen ladaagalami jiray, hadana ad modo inuu dgaalki joojiyay. marka ninkii ugarto in salafiyiinta dhaxdooda diririraan ineesan saxneen o lesku soo dhawaado macanaheedo mawaxey tahay inu qaldanaa markii hore. walaalba yiri cabdi waxid maka towbad keenay culimadi uu wax kasheegi jiray. dadaagal umadoo dhan u dhexeeyay oo culimo iyo camaba sameeyay ayuu ahaa wixii hore. hada yakuu shegay ina kusaxanatahay adiga marka leedahay matowbad kenay adiga maka towbad keentay kuwa aa hada wax ka shegesid. walalyal aan iskusoo labano wlaaahi inaana mel lagu gareen ninkasta URUR inuu lacararo wadanki cilmaniyiin iyo gaalo aa utashatay inta anaga isku hesanay masalooyin khilafiya oo dib loo dhigi karo. waxaan ogataan ninkasta raaciyad wax kamaqasha ayuu leeyahy, ee yaa la fitneyn dadaka wax kasto wanagana hala soo dhaweyo. dhalinyaraduna culimada haisku dayaan hadii add shiikhaga ka dhigtid malaik kegana sheydaan adiga wax burhana heesan, barqad aya laburburayaa, waxaan tusaale u ah maxa laga faiiidey 4sano ee u dgalaku socday. hala xisaabtamo ikhwaani. asc

  3. Assalaamu Calaykum,

    Hanuunka qofka walaalkaa ah waa wax lagu farxo, habawgiisa iyo bidcadiisuna waa mid laga naxo, waliba markaad qofka so shakhsiya u taqaanid.
    Ilaahay xaqa ha nagu wada sugo dhibaatadii aad ku jirtayna dib kuuguma celiyo.

    Waxaanse kugu waanin lahaa sida diintu qabto inaad cafis ka dalbato ummada soomaaliyeed oo dhan oo aad dambi ka gashay, taasina waxay ka mid tahay shuruudaha tobadda

  4. WAA YAABE
    ABDIWIWAHID SOW MA HABOONA MARKA HORE INUU CADEEYO MA AHAYN MOWQIFKIISA KU AADAN CULIMADA IYO DUCAADA OO AAN HORE U OGEYN DHIBTA IYO AFLAGAADADA UU KU HAYEY, TAA MAXAA ISKA BADALEY? SOW MA HABOONA INOO CAFIS WAYDIISTO CULIMADII CARABKIISA DHIBTU KA SOO GAARTEY ALLANA U TOWBADKEENO….

    • Abdiwahid wuxu ahaan jirey nin taageera xoogaga shabaab ee tolow maxaa loo sheegay. Isbadalkana ma wuxu ka danbeeya markii ragiisii saaxada ka baxeen oo umadu fahantey agendahooda horumar la aanta ah. ilaahay baa qalbiyada rogroga ee aan aragno ficilka qoraagan gacan bidixaynta looga bartey siduu cadaalad u sameeyo

  5. Abdiwaxid talaabada uu qaaday waa mid soo dhawayn mudan ku dayashana mudan hadduu ka dhabeeyo arinta uu ka dhawaajiyay,waayo dhaqankii kala gurida ummada iyo culumada caydeeda wax lagu halleeya mooyee wax laguma hagaajinayn, intq ku hartay dhaqankii kala didintana allaha soo hanuunsho

Leave a comment

*