Ciidamada AMISOM oo si bareer ah ugu laayey 9 qof oo rayid ah deegaanka Leego

January 15, 2013 - Written by

Leego:-Ciidamada AMISOM ayaa maanta 9 qof oo rayid ah si bareer ah ugu dilay deegaanka Leeg ee gobalka Shabeellaha Hoose dilka ayaa yimid ka dib markii ay ciidamo sahan ah oo ka tirsan AMISOM ee gaareen duleedka Leeg .

Ciidamada AMISOM ee sida bareerka ah u laayey 9 qof oo rayid ah ayaan la kulmin wax weerar ah xili ay ku sii jeedeen duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka rayidk ah oo ay dileen ciidmada AMISOM ayaa ahaan 5rag ah iyo 4haween ah kuwaas oo ku dhaqnaa Tuulada Jiiro Yaasiin waxaa xusid mudan 9 qof ee la dilay in ay isku beel ka soo jeedaaan.

Madaxda DFS iyo Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan ilaa haatan ka hadal dadka shacabka ah oo ay ciidamada AMISOM sida bareerka ah ugu laayeen Tuulada Jiiro ee deegaanka Leego.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc, qasaaraha meesha ka dhacay dadkeey gaareen allaha u naxariista qoosykoodana badal kheeyr qaba allaha siiya.
    Ciidmada Amisom dilkaan waa kii labaad oo eey ka geeystaan leega, kolkii hore 10 ruux beey aheed hadaeerna waa 9, walina go’aan lataaban kara ama wax ka qabad qaladaadka AMISOM dowladda iyo AMISOM midna lagama haayo, waa ineey magdhaw ka bixiyaan xasuuqa joogtada ah eey ku hayaan shacabka soomaaliyeed, tani waxeey na xasuusineeysaa xasuuqii sidan oo kale ciidamada Kenyanka ah ku dileen sagaal ruux deegaan janaay cabdalle, marka somalida ineey dil u joog noqota ma ahan, dowlada shaqadeeda ha qabsata.

Leave a comment

*