Ciidamada Booliiska DFS oo howlgalo ka wada Degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir

January 28, 2013 - Written by

howlgaloMuqdisho:-Ciidamada Booliiska DFS iyo kuwa Nabadsugida ayaa saaka howlgalo kula jarmaaday qaar ka mid ah xaafado ka tirsan Degmada Hiliwaa waxaana howlgaladaay si gaar ah uga socdaan Xaafada Waxarcadde ilaa Suuqa Xoolaha waxaana ay ciidamada DFS ku soo qabteen howlgalada 600 .oo qof

Taliyaha ciidamada Booliiska ee Gobalka Banaadir Col.Axmed Xasan Maalin oo saaka la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ka socda qaar ka mid ah Degmooyinka magaalada Muqdisho ay ku sugayaan amaanka waxaana uu sheegay in haatan baaritaano lagu wado 600 ee saaka lagu soo qabtay howlgalada .

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM dadaal ugu jiraan sidii ay uga sifeyn lahaayeen kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab kuwaas oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka cabanaya in howlgalada ay sameeyaan ciidanka DFS kuwaas oo aan  kala reebeyn dhamaan dadka oo dhan iyada oo mar marka qaarkood ay dhacdo in mudo 3 bilood ah uu xirnaado qof aan danbi lahayn ama lacag laaluush ah lagu soo furto.

A\Cawale

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online