Ciidamada huwanta oo la wareegay deegaanada Naasiriya iyo Weelmaar

January 7, 2013 - Written by

Kismaayo:-Ciidamo ka tirsan Ururka Raaskambooni iyo kuwa DFS oo ay kaabayaan ciidamada Kenya ayaa la wareegay deegaanada Naasiriya iyo Weelmaar ka dib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada Al-Shabaab .
Ciidamada Ururka Raaskambooni iyo kuwa DFS ayaa shalay ka soo ruqaansaday Degmada Afmadow waxaana ay haatan ku sugan yihiin deegaanada Naasiriya iyo Weelmaar sida ay ku soo warmayaan dad goobjoogayaal ah .

Saraakiisha Ciidamada huwanta ayaa ku goodiyey in ay dhawaan la wareegi doonaan dhawaan Degmooyinka Bu’aale iyo Degmada Xagar oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Ururka Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale saaka laga dareemayaa Dhaqdhaqaaq ciidan o ay ka wadaan labada dhinac deegaanada  Duleedka magaalada Kismaayo ,Buula-Gaduud , Jamaame, Jillib iyo Bu’aale waxaana la arkayey ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo tijaabsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka DFS oo magaciisa la yiraahdo G/sare Maxamed Cali ayaa warbaahinta u sheegay in la wareegida deegaanada Naasiriya iyo Weelmaar ay u sahleyso in ay qabsadaan Degmooyinka Bu’aale iyo Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe .

Ilaa haatan ma jiraan saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay la wareegida deegaanada Naasiriya iyo Weelmaar .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online