Ciidanka Puntland oo dhaqdhaqaaq ka wada deegaano ku dhow buuraleyda Galgala

January 17, 2013 - Written by

galglaBoosaaso:-War haatan naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Puntland ay u ruqaansadeen buuraleyda Galgala waxaana ay ciidamada Puntland ay saaka ka dhaqaaqeen deegaanka Balikhadar

Taliyaha  Ciidamada Daraawiishta ee aaga Gobolka Bari Col.Jaamac Siciid Warsame (Afgaduud) ayaa goordhow la hadlay saxaafada waxaana uu sheegay in ay duulaan ku yihiin Buuraha Galgala oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Halgan.net ayaa xiriir la sameysay ilo wareed ku sugan magaalada Boosaaso waxaana ay u xaqiijiyeen in ay jiraan dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada Puntland .

Wixii faahfaahin ah ee soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Inshalaah saacadaha soo socda.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online