Ciidanka Booliska magaalada Garoowe oo howl galo ku qabtay 6 dhalinyaro ah

January 5, 2013 - Written by

Garoowe:-Ciidanka Booliska magaalada Garoowe ayaa howl galo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro waqtiyada habeenkii ah dhac ka geysta magaalada iyagoo dhaca Teleefanada baarashana u geystay dadka habeenkii waqti danbe socda.

Ciidanka Booliska magaalada Garoowe ayaa Xabsiga dhigay ilaa 6 dhalinyaro ah oo iyagoo falal amaan daro ah gacanta kula jira ka dib markii ciidanku ay xog ka helleen qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Garoowe. Taliyaha saldhige dhexe ee magaalada Garoowe Aadan Muuse Jaamac oo u waramay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ay  jiraan howl galo ay ku qabteen dhalinyaro falal amaan daro ah kula jiray gacanta.

Taliyaha saldhige dhexe ee magaalada Garoowe Aadan Muuse Jaamac ayaa ugu baaqay in shacabka reer Garoowe ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka si loo sugo amaanka loogana hortago dhalinyarada ku kacaya falal amaanka lid ku ah. Ugu danbayntii ayaa Taliyaha saldhige dhexe ee magaalada Garoowe Aadan Muuse Jaamac ayaa sheegay in amaanka magaalada Garoowe uu yahay mid sugan ciidamaduna ay wadaan howl galo ay ku baacsanayaan kooxaha nabadiidka ah ee doonaya in ay khalkhal ka abuuraan magaalada

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online