Dagaal mar kale ku dhexmary gobalka Gedo ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab

January 6, 2013 - Written by

Gedo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in maanta mar kale dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamada DFS  oo kaashanaya kuwa  Itoobiya  iyo Al-Shabaab waxaana uu dagaalka xoogiisa uu ka dhacay  inta u dhaxeysa degaanada Rays-Qode iyo May-Kaareebe oo ka tirsan Degmada Garbahaarrey .

Dagaalka ayaa waxaa uu ahaa mid culus oo ay labada dhinac isku weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan waxaana uu dagaalku qarxay markii ciidamada Al-Shabaab ay waddada u galeen ciidamada huwanta oo marayey duleedka Degmada Garbaahaarrey.

Warar hordhac ah oo laga helayo gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac kala duwan waxaana si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalka saaka .

Afhayeenka Ururka la baxay Ahlu Suna ee  gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa  uu sheegay in dagaalka maanta ay soo qaadeen Ururka Al-Shabaab ayna iska difaaceen .

Dhanka kale wararka laga helayo gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay shalay ka soo talaabeen Degmada Luuq ee gobalka Gedo iyaga oo ay la socdaan ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo lagu soo tababaray Degmada Doolow .

Saraakiil ka tirsan DFS oo ku sugan gobalka Gedo ayaa ku goodiyey in ay labada degmo oo ay haatan ka heystaan gobalka Gedo Al-Shabaab (Degmada Baardheere iyo Buurdhuubo) ay dib u qabsan doonaan halka ay Al-Shabaab weeraro joogto ah ku hayaan Degmooyinka ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online