Dagaalo u dhexeeya ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab oo galabta ka dhacay Gedo

January 5, 2013 - Written by

Gedo:-Dagaal u dhaxeyay Ciidamadda DFS oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo  Al-Shabaab ayaa galinkii danbe ee maanta waxay ka dhaceen deegaano u dhexeeya Degmooyinka  Garbahaarey iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxaa uu qarxay ka dib markii ay ciidanka Al-Shabaab wadada  u galeen kolonyo ciidamo ka tirsan DFS iyo Itoobiya  kuwaas oo marayey Deegaanka labo Qori .

Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa maanta duhurkii waxay ka soo ruqaansadeen Degmada Luuq ee gobalka Gedo waxaya afka saareen kuna sii jeeday Degmada Garbahaarey.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee DFS Maxamed Cabdi Kaliil ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dagaalka maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gedo isaga uu guul ka sheegtay dagaalka .

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka maanta galinkii danbe ka dhacay deegaanka labo Qori ,dagaalka ayaa waxaa ku dhintay sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay dad goobjoog ah 10 qof oo ka tirsan labada dhinac ee uu dagaalka dhexmaray.

A/Cawale
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online