Manhajka Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wa Sunnah Sh Bashiir Axmed Salaad (1-17 Dhagayso)

January 29, 2013 - Written by

Waxaa maanta Shabakadda wararaka ee Halgan.net ay  idiin soo gudbinaysaa duruus ku saabsan Manhajka Jamaacada Al-ictisaam oo ah urur Islaami ah oo ka jira dalka Soomaaliya iyo dalalka soomaaliya dariska la’ ah  Manhajka Jamaacada Al ictisaam ayaa ah mid ka kooban ilaa 17 xal-qadood oo xalaqaddiiba ay tahay ilaa 30 daqiiqo. Duruustan ayaa waxaa akhrinaya Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ah Amiirka jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassun nah sheekhu wuxuu sharaxayaa manhajka jamaacada Al-ictisaam oo ka kooban manhajka caqiiqada, manhajka faham ka iyo sida wax loo daliishado ama nusuusta loo fahmo, iyo manhajka dacwada iyo badalitaanka iyo islaaxinta bulshada.

Manhajku Jamaacada Al-ictisaam ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa 17 baab oo si qawaacid ah u qoran waxaana diyaariyay lajnada cilmiga ah ee jamaacada Al-ictisaam bilkitaab wa sunnah, waxaana loogu talo galay in lagu iftiimiyo oo lagu saxo wax yaabo badan oo saaxada yaalla, si gaar ah wuxuu u khuseeyaa dadka dalabatul cilmiga ah ama ku howlan dacwada iyo faafinta diinta.

Shabakadda Wararka Halgan ayaa waxaa ay heshay  Darsi kooban  oo uu duubay Fadiilatu Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha dhowree oo uu sharaxayo Manhajka Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wa Sunnah isagoo Sheekhu ay su,aalo weydiinayaa ducaad Shiikhuna oo ka jawaabay balse darsiga ayaa ah mid aan dhamaystirnayn haddii alle idmo marka Shiikhu Cabdulqaadir Nuur Faarax uu  dhamaystiro ayaan soo gudbin doonaa insha Allaahu.

Halkaan ka Dhagayso Manhajka Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wa Sunnah oo uu Akhrinayo Sh Bashiir Axmed Salaad

Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. AD AYAD U MAHADSAN TIHIN HALGAN SIDA AD DIINTAN UGU SHAQEYSAN CULIMADEENANA ILLAH SW HA XIFDIYO

  2. Asc Ahlukheyrka halgan.net waxan ini lehay haniian lakum culumadena somaliyed alahadowro sifiican ayad usobandigten masha alah

  3. Asalaaamu calay kum warxmatulaahi wa barakaatuh
    salaan kadib waxaan aad ugu mahad naqayaa sh.bashiir axmed salaad waxaanan leeyahay jazaakalaaku khayran sidaa aad ufaah faasihay manhajeena .
    marlabadka waxaan umad celinayaa halgan,net waxaanaa idin leehay ilaahay ha idin ka abaalmariyo kihaykaad umada ufidinaysaan

  4. Salaamu Calaykum

    Sheekh Bashiir Ahmed iyo dhamaan culumadeena alaha dhowro aad baan ugu mahad celinayaa Sheekh Bashiir
    iyo Lajna cilmiya ee Ururka Al Ictisaam runtii waa loo baahnaa in la akhriyo lana cadeeyo Manhajka Ictisaam Ex Al/Itixaad Al Islaami been badan ayaa laga sheegay waxaana beentaas faafiya kuwo gadaal ka gaar ah.balse alle baa fashiliyey ka dib markii ay cadatay in ay yihiin Takfiir qarsoon oo ilbax ah

    Wasalaamu Calaykum

  5. Asalama caleykum, Sheekh bashiir khayr allah ha ku siiyo, waxan jeclaan lahaa in mabaa’dida shekhu sharaxayo uu mid walba adiladeeda ku waadixiyo.

    jazakulaah

Leave a comment

*