DFS oo soo bandhigtay Saddex Nin oo u Dhashay Dalka Siiriya oo Burcad Badeed Sii Daysay

January 12, 2013 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” oo galabta shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku soo bandhigay sadex nin oo ay burcad badeed afduub u haysteen in ka badan labo sanadood, sadexda nin ayaa u dhashay dalka Siiriya waxaana la kala yiraahdaa Ridwaad Khaalid Daaha, Mu’ayid Hani Weliyow iyo Yahye Cali Cabsi.

Ra’iisul Wasaare “Saacid” oo ka warbixinaya qaabka loo soo daayey iyo dareenkiisa ayaa yiri.

“Aad waxaan ugu faraxsanahay in ay dib u helaan xorriyadooda, runtii si aan waafaqsanayn shuruucda caalamka iyo xuquuda bini’adamka ayaa xorriyadooda looga haystay muddo ka badan labo  sanadood, kadib markii la afduubtay iyagoo la socday markab la yiraahdo  Orna  oo ay wateen bishii Dec, 2010. Waa nasiib daro mana jirto wax sharaxaad ah oo laga bixin karo sidii ay u waayeen xoriyadooda, shacabka Soomaaliyeedna waa ka tacsiyeeynayaan in muddo intaas le’eg la haysto dad aan waxba galabsan. Waxaan halkaan uga soo jeedinayaa mahad naq balaaran maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay nala jooggaan qaar ka mid ah masuuliyiintooda oo xil iska saaray sidii   la haystayaashaan u dhashay dalka Siiriya ay dib ugu heli lahaayeen xoriyadooda mana jiraan wax madax furasha ah oo laga bixiyey siidayntooda”

Dhankakale  Ra’iisul Wasaare “Saacid” ayaa sheegay sida ay dadka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin dowladooda cusub una garab taagayn yihiin.

no images were found

“Tani waxay markhaati ka tahay sida ay ugu kalsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed  dowladda cusub  oo muddada gaaban jirtay, waxaana muuqata sida Burcad badeedku u qaateen baaqa dowaldda  oo ahaa in dadka ku howlan burcad badeednimada ay faraha kala baxaan. Sidoo kale dowaldu waxay balan qaadaysaa inta ay jooggaan muwaadiniintaan u dhashay dalka Siiriya  magaalada Muqdisho in ay dowladu bixinayso kharashkooda, ayna damaanad qaadayso amnigooda, sida ugu dhaqsaha badana dowladdu ugu diyaarinayso tikidhadii ay ku aadi lahaayeen dalkoodii, arinkaasna wuxuu ka turjumayaa dhaqanka wanaagsan ee Islaamka. Waana ka xunahay wixii gaaray mana ahayn go’aan dad Soomaaliyeed ay gareen ee waa arin ay ku dhaqaaqeen dhalinyaro caadaystay burcad badeednimo”

Sidoo kale Ridwan Khaalid Daaha oo ka mid ahaa ragga loo haystay afduubka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxanyahay in ay dib u helaan xorriyadooda, isagoona u mahadceliyey dowladda Soomaaliya sida wanaagsan oo ay gacanta uga geysatay siidayntooda iyagoon  bixin wax madax furasho ah.

Arritaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Burcad badeed gaaraysa 100 ay ka tanaasuleen falalkii xumaa ee ay gacanta kula jireen muddooyinkii u danbeeyey, isla markaana maalmo ka hor lasii daayey saddex nin oo u kala dhashay waddamada Siiriya iyo Sirilaanka, kadib markii ay isku howshay sii dayntooda dowladda Soomaaliya.

—-Dhamaad—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online