Dhismihii Masaajidka AL-UMMAH oo gabo gabo maraya (Daawo Masawiro)

January 29, 2013 - Written by

13122012014Zambia:-Masaajidka AL-UMMAH Waxaa laga dhisayaa Caasimada dalka Zambia ee Lusaka waxaana laga dhex dhisayaa Xarunta wayn ee AL-UMMAH oo ah xarun ay Jaaliyada Somaaliyeed ku leedahay magaalada Lusaka, waxaana ka faa,idaysta jaaliyada  wadanka ku nool gaar ahaan wax barida jiilka soo koraya iyada oo kulmisatay qaybaha kale duwan ee waxbarasho sida School nidaami ah laga bilaabo fasalka ama qaybta xanaanada caruurta ilaa fasalka 11aad ee Dugsiga sare, waxaa kale oo galinka dambe looga faa,idaystaa in lagu baro Caruurta Qur,aanka kariimka ah iyo tarbiyada islaamiga ah,  waxaa ayaguna duruus joogta ah ku qaato xarunta dumarka iyo hoyooyinka.

Sidoo kale waxaa isla xarunta ku dhex yaal guryo ay degan yihiin Macalimiinta wax ka dhigta Madaarista AL-UMMAH iyo guryo kiro luugu jiro, waxaa markazka AL-UMMAH lagu tukadaa ciidaha xaruntaan waxaa dhagax dhigay Sh Maxamed Cabdi Umal Sanadkii 2003.

no images were found

Haddaba sida aan horay u xusnay  haduu ALLAAH idmo waxaa bilaha soo socda la furayaa Masaajidka AL –UMMAH oo dhismihiisa la bilaabay sanadkii 2010 bishii May waxaa Masaajidka lacagtii u horaysay u aruurshay oo dhagax dhigay Shiikh Maxamed Idris , Masaajidku Wuxuu ka kooban yahay qaybta ragu ku tukadaan iyo qayb sare oo loogu tala galay inay dumarku ku tukadaan waxaa hal mar ku tukan kara ugu yaraan 1000 qof 2da qaybood, waxaa kale oo ku yaala isla qaybta sare 3qol oo loogu tala galay maktabad iyo xafiisyo xaruntu leedahay hadase looga faa,idaysto dhinaca wax barashada.

Waxaa isla Dhismaha Masaajidka ku dhagan qayb loogu talagay in maytka lagu dhaqo oo iyada hada la dhamaystiray lana isticmaalo, Masaajidka AL-UMMAH marka la furo waxaa la rajaynayaa inuu ka mid noqdo Masaajidda ugu waawayna ee ay somalidu ka dhistay wadamada qurbaha gaar ahaan Afrika.

Waxaa sanadkaan xarunta booqasho dacwadeed ugu yimid culimo badan oo uu ka mid yahay Fadiilatu Sh Abdiqaadir Nuur faarax Xafidahullaah Wuxuu aad u amaanay dadaalka weyn ee loo soo maray in la helo meel ubadka wax lagu baro jaaliyaduna, isku aruursato iskagana war hayso.

Waxaa ka mid ahaa culimadii Sanadkaan soo booqday Xarunta Sh Maxamed Shaafici, Sh Xuseen Cigaal Caashuur, Sh Fu,aad Maxamuud Xaaji nuur, Sh Abdisamad Xoday, Sh Abdiraxmaan Cadaani, Sh Mawliid Abdiraxmaan Xafidahumullaahu jamiican min kulli makruuh iyo Culimo kale, oo dhamaantood ka soo jeediyay muxaadaraad iyo duruus kana  bixiyay talooyin wax ku ool ah.

Abdisalan F Gas
Lusaka – Zambia

2 Comments so far

Leave a comment

  1. A.s.c w.w ugu horayn waxaa mahad iska leh allah swt kadibna waxaan mahad u celinayaa bahda halgan intaa kadib ustaad c/salaan farax gaas waxaan leeyahay allaha ku barakeeyo war bixintii qiimaha badnayd aad inoo soo gud bisayna rabi hakuugu badalo ajar iyo xasanaat sheikh C.f.G waa mudiirka al ummah ahna maamulaha masjidka al ummah ee hada dhis mihiisu uu gabo gabo yahay runtii waxaa lagu xasuustaa waqtigii u galiayay masjidkaa ka shaqayn tiisa waxaan anigu qaasatan xasuustaa maalintii la dhagax dhigay masjidka iyo maanta muuqaal kiisa sida uu yahay waxaan gaba gabadii leeyahay allow ka aqbal camalkaa oo khayr ugu badal asaga iyo dhamaan intii ka wada qeyb qaadatay aamiiiiiiiiiiiiin aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  2. MAASHA ALLAAH WALAAL ALLAHA HA, BARAKEEYO MASAAJID WAXAAN UA RAJEYNAYAA MID AY KA FAA, IIDEYSANTAAN DHAMAAN MUSLIMKA KU NOOL LUSAAKA KUNA CIBAADEYSTAAN WAXAAN ILAAHAY UGA RAJEYNAYAA CID KASTA OO KA QEYB QAADATEY DHISMAHA MASAAJID IN ILAAH UGU DARO AJARKOODA XASANAA

Leave a comment

*