Gal-Mudug oo gawaari laga soo dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ku wareejisay Puntlland.[Daawomasawiro]

January 10, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa shalay Taliska maamulka Gal-Mudug ay ku wareejiyeen Taliska ciidanka Booliska Puntlland ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ilaa labo gaari oo midkood yahay Market halka kan kalena uu ahaa Gaariga Loo yaqaano NOHA oo dhac ay u geysteen koox dhalinyaro ah oo burcad ah.

Munaasabadaan ayaa waxaa ay ka dhacday Taliska qaybta ciidanka Booliska ee maamulka Gal- Mudug waxaan ka soo qayb galay dhinac Puntlland Guddoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac , Guddoomiye ku xigeenka 1aad Farxaan Cali Xirsi iyo Taliyaha Qaybta ciidanka Boliska Gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed.

no images were found

Dhinaca Gal-Mudug ayaa waxaa munaasabadaan gawaarida lagu wareejinayo ka soo qayb galay Gudoomiyaha Gaalkacyo ee dhinaca Gal-Mudug Aways Cali Siciid , Taliyaha Ciidanka Boliska Gal-Mudug Cabdi Jaamac Xabeeb ,Taliyaha Qaybta Boliska Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali.

Xafladaan ayaa waxaa hadalo koob kooban ka jeediyey gudoomiyaasha Gobolka Mudug ee 2-da maamul waxaan ay isku raaceen in si wada jir ah looga shaqeeyo Nabadgelyada iyo amaanka  si looga hortago kooxaha burcad ah ee dhibaatada ka geystay 2 dhinac.

Sidoo kale Taliyaasha ciidanka Booliska ee 2-da maamul oo goobta iyaga ka hadlay ayaa waxaa ay ugu baaqeen bulshada reer Gaalkacyo in laga wada shaqeeyo sugida amniga iyo in kooxaha ka dhexwada qaska iyo amaan darada 2-da maamul si wada jir ah looga hortago. 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online