Ganacsade Axmed Cabdi Timir oo lagu dhaawacay Magaalada Laascaanood

January 6, 2013 - Written by

Laascaanood:-Waxaa maanta duhurkii lagu dhaawacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ganacsade Axmed Cabdi Timir oo si weyn looga yaqaan magaalada Laascaanood waxaana dhaawaca u geystay  laba dhalinyaro  oo ilaa haatan heybtooda aan la aqoon .

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa waxay sheegeen in ganacsade Axmed Cabdi Timir ay toogteen laba dhalinyaro ah xili uu marayey bartamaha magaalada Laascaanood waxayna xabadu ka haleeshay laabta iyo madaxa .

Weerarkan lagu dhaawacay ganacsade Axmed Cabdi Timir ayaa u muuqda weerar qorsheysan iyada oo xalay ay weerareen kooxo hubeysan guriga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ganacsade Axmed Cabdi Timir iyaga oo weerarka ay gabar ku dhaawacantay.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ragii dhaawacay ganacsade Axmed Cabdi Timir  waxaana wararka qaar ay sheegayaan in weerarku uu la xiriiro aano qabiil.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Illahoow soomalida ka dawe nin aan waxba gaysan u dillaya qofkale

Leave a comment

*