Garoowe oo ay ka soconayaan abaabulo xafiisyo ay uga furanayaan Ururada siyaasadda

January 30, 2013 - Written by

GaroweGaroowe:-Magaalada Garoowe, ee caasimadda u ah Puntland, ayaa waxaa  ka soconaya abaabulo xafiisyo ay uga furanayaan ururada siyaasadda.Ururada siyaasadda ee Puntland, kuwaasoo ka soo gudbay wajigii hore ee isdiiwaan gelinta, ayaa hadda u diyaar garoobaya sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen gobolada, iyadoona magaalada caasimadda ah ee Garoowe, lagu arkayo xubnaha ururada iyo taageerayaashooda oo is abaabulaya.

Urur siyaasadeedyada, ayaa doonaya inay shirar ku qabsadaan Garoowe, kuwaasoo ay ku dooranayaan  madax rasmi ah, isuguna dhisayaan sidii xisbi siyaasadeed ay ugu gudbi lahaayeen, waxaana ujeeddadoodu tahay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka, kaasoo xisbiyada ku soo baxa ay ka qeyb gali doonaan doorashooyinka Madaxtinimada iyo baarlamaanka Puntland.

Ururada ilaa iyo hadda saansaantooda aad looga dareemayo Puntland, ayaa waxaa ka mid ah: Horseed oo ah ururka dowladda ee uu sida kumeel gaarka ah guddoomiyaha ugu yahay Madaxweyne Faroole, iyo ururka Midnimo ee uu hoggaamiyo Dr. Saadiq Enow, iyadoona ururadu ay wufuud u kala dirsadeen gobolada.

Sanadkan ayaa lagu wadaa inay ku qabsoomaan doorashooyin lagu soo xulanayo golayaasha deegaanka, kuwa baarlamaanka iyo Madaxda Puntland, iyadoona nidaamka xisbiyada badan uu yahay markii ugu horreysay ee uu ka hirgalo Puntland.

Xigasho Somalireal
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online