Golaha Wasiirada DFS oo xalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho

January 11, 2013 - Written by

Muqdisho:-Shir ay xalay  isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa shirkaas looga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin , Dib-U-dijin loo samaynayo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan malaagada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirka Hurmarinta iyo Adeega Bulshada.

Ugu horayntii  Goluhu wuxuu warbixin dheer ka dhageystay Wasiiradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed oo safaro ku soo martay dalalka Turkiga iyo Tuniisiya.

Goluhu markuu dhageystay warbixintaas oo qodobka ugu muhiimsani uu ahaa deeqaha waxbarashada ee lasiiyo Soomaaliya sidii wax looga badali lahaa, ayaa dood dheer kadib waxaa Goluhu isla gartay in loo magacaabo gudi heer Wasiir ah oo ka kooban lix xubnood  oo ay Drs Maryam horkaceyso iney soo diyaariyaan  qaabka ay xukuumadda Soomaaliya uga faa’iideysan karto deeqaha waxabarashada ayna horkeenaan kulanka dambe oo uu goluhu yeelanayo.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Golaha horkeenay qorshe  Barakacayaasha looga rarayo magaalada si loo dejiyo meelo loo qoondeeyay.Waxaana arinkaas Wasaarada ka caawinaya  hay’ado caalami ah sidii dib-u-dajin loogu samayn lahaa Barakacayaasha loogana raro gudaha Caasimada, si kor loogu qaado amnigooda, Nolashooda, Caafimaadkooda, Waxbarashadooda iyo Sidii ay u heli lahayeen Biyo nadiif .

Ugu danbayntii Golaha wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay samaysay Qaramada Midoobay taas oo ah in ay u soo rarayaan bisha Sadexaad ee sanadkaan magaalada Muqdisho shaqaale gaaraya ilaa 300 oo xubnood oo hada ka howl gala magaalada Nairobi. Dood dheer ka dib  goluhu wuxuu magacaabay gudi ka kooban sadex xubnood oo uu hormuud ka yahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, gudigaas ayaa ka shaqayn doona sidii loogu samayn lahaa daagaamayn, looguna dhamaystiri lahaa dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen.

—-DHAMAAD—–

 

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online