Guddoomiyaha ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow oo la kulmay Islaan Bashiir.[Daawomasawirada]

January 28, 2013 - Written by

1Gaalkacyo:-Urur Midnimo  oo ka mid ah 6-da urur siyaasadeed ee Puntlland ayaa masuuliyiin ka tirsan waxaa ay ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo , Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow iyadoo la filayo in ay dhawaan safar ku gaaraan magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow ayaa waxaa kulan gaar ah uu la qaatay Islaan Bashiir oo ka mid ah Isimad waaweyn ee Puntlland iyadoo kulanku uu ahaa is waraysi iyo isku xog waran guud ee xaalada guud ee  Puntlland gaar ahaa Gobolka Mudug. Islaan Bashiir ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow iyo aqoon yahanadii la socday.

no images were found

Wafdiga oo uu horkacayo Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow  iyo Maxamed C/nuur Gaadaale  ayaa waxaa kale oo ay kormeer ku tageen  maanta xarumaha kale duwan ee caafimaad ka ,Jaamacaddaha , dugsiyada sare /dhexe  Hay,addaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan bulshada rayidka ee ku yaal magaalada Gaalkacyo. Wafdiga ayaa waxaa kale oo ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Isimada Gobol ka Mudug iyo waxgaradka iyagoo u sharaxay u jeedadad safar kooda iyo siyaasada  ururka Midnimo.

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow oo la hadla saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in safarkooda iyo kulamadii ay la qaateen waxgaradka Gaalkacyo uu ku soo dhamaaday guul iyagoo dadka ka saaray been abuur badan oo laga faafiyey ururkooda iyagoo taas ku fasirad loolanka siyaasadeed iyo xarag jiidka siyaasadeed eek a socda Puntlland.

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow ayaa sheegay in ururkoodu ay xafiis ka furan doonaa meel kasta oo ka mid ah Puntlland Gaalkacyana ay tahay magaaladoodii cid ka horistaagi kartana aysan jirin.  Ururka Midnimo ayaa ah urur siyaasadeed ay ku midoobeen ganacsato, aqoon yahano , siyaasiyiin hore ,iyo Saraakiil ka tirsanaan jiray ciidankii xoogga dalka Soomaaliya iyo waxgarad kale duwan.

Ururka Midnimo ee uu Guddoomiyaha ku meel gaarka ah u yahay Dr Saadiq Eenow ayaa maalmaha soo socda waxaa ay kulan ku qaban doonaa magaalada Garoowe kulankaas oo ay ku dhisi doonaa madaxdii ururka iyo golayaashiisa kale duwan .

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay xafiis uga furtay Ururka Wadajir oo ka mid ah 6 urur siyaasadeed ee ka jira Puntlland waxaa xafladii xafiiska ay ku furanayee ka soo qayb galay Siciid Maxamed Daahir oo ah agaasimaha Xafiiska Gaalkacyo ee ururka Wadajir iyo taageerayaasha ururka wadajir.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay magaalada Gaalkacyo soo gaaran siyaasiyiin kale duwan oo hor kacayo ururrada siyaasadeede ee ka jira Puntlland iyadoo urur walba laga rabo in uu soo bandhiga taageerada uu ku dhex leeyahay bulshada ku nool degaanada Puntlland

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online