Hooyada dhashay Abuu Mansuur Al amriki oo ka walaacsan xaalada wiilkeeda

January 22, 2013 - Written by

imagesMuqdisho:-Hooyada dhashay Abuu Mansuur Al amriki ayaa waxay aad uga walaacsan tahay wiilkeeda oo dhowr mar soo diray fariimo uu ku sheegayo in naftiisa ay halis ku jirto isaga oo ka baqanaya in ay dilaan Ururka Al-Shabaab.

Mrs:Debra Hammami oo ah hooyada dhashay Abuu Mansuur Al amriki ayaa  waxay wareysi siisay Wargeyska Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska 19bishan waxayna ay sheegtay in wiilkeeda uu ku sugan yahay xaalad aan la tilmaami karin oo aad ciriiri u ah .

Mrs:Debra Hammami oo ah hooyada dhashay Abuu Mansuur Al amriki ayaa mar ay ka warameysay xaalada wiilkeeda waxay sheegtay in wiilkeeda uu marar badan hanjabaad ay uga timid Ururka Al-Shabaab iyada oo ku tilmaamtay nolasha wiilkeeda mid aad u culus.

Debra Hammami ayaa waxay kale oo sheegtay in ay mar rajeynayso in wiilka ay aragto oo uu soo laabto isaga oo bad qaba waloow ay arinkaas hadana ku tilmaamtay mid mucjiso ah .

Abu Mansuur Alamriki ayaa ka mid ahaa dhalinyaro badan oo ku biiray Ururka Al-Shabaab isaga oo in badan lagu arkay isaga oo tababar siinaya dhalinyaro ama ka qeyb galaya munaasabado ay qabteen Ururka Al-shabaab .

Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Alamriki ayaa dhowr jeer soo dhigay muuqaalo uu leeyahay barta youtube gaar ahaa  somalimuhajirwarrior isaga baaqyo kala duwan u diraya waxaana ugu danbeysay النداء الأخير من العبد الفقير؟؟؟ ~ The Final Appeal oo la soo dhigay Youtube-ka 7 Jan 2013 isaga baaq iyo codsi u diray hogaanka sare Ururka Al-Qacida.

Abu Mansuur Alamriki ayaa waxaa sidoo kale uu soo dhigay barta Internetka ee baahisa wararka Al-Qacida qoraalo iyo warbixino xasaasi ah kuwaas oo uu kaga waramayo xaalada dalka Soomaaliya laga soo bilaabo wakhtigii Midowga Maxaakimta Islaamiga ilaa haatan (Dib baan u soo qori doonaa )Inshalaah.

Halkan ka AkhrisoWargeyska Guardian warbixinta uu ka qoray Debra Hammami

C/Fitaax Maxamed Muuse
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online