Isimada Gobolka Mudug oo Degmada Goldogob uu shir uga socdo

January 2, 2013 - Written by

Goldogob:-Degmada Goldogob ee gobolka Mudug, ayaa waxaa shalay galab  ka bilowday shir ay isugu yimaadeen Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug.

Shirkaan ayaa ah mid looga tashanayo midnimada horumarka iyo nabadgalyada gobolka, waxaana shalay shirku uu ku sinnaa mid furitaan ah, iyadoona shirku ahaa mid heer sare ku bilowday, waxaana shirka soo qaban qaabiyey Xarunta Nabada iyo Cilmi Baarista Geeska Africa.

Isimada ka soo qeyb galay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Islaan Bashiir Islaan Cabdule, Ugaas Cali Ugaas Maxamed,  Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud, Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud Cilmi Calas , Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire Faray, Suldaan Maxamed Jaamac Shire, Islaan Xasan Cigaal, Suldaan Cabdi Bile Suldaan Warsame, Ugaas Cabdulqaadir Cilmi Filig, Suldaan Axmed Maxamed Cabdulle

no images were found

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan faarax, ayaa shirka furay, isagoona u mahad celiyey isimada iyo waxgaradka kale ee shirka ka soo qeybgalay, wuxuuna intaas ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko isamadii gobolka oo Goldogob ku wada kulansan, wuxuuna Islaanka intaas ku daray in shirkan  uu yahay Shir Dhaqan Kana madaxbanaan siyaasad, kaasoo ah mid looga tashanayo aayaha dadka gobolka iyo nabadgalyada.

Ugu Danbayntii waxaa shirka soo xiray Ugaas Cali Ugaas Maxamed isagoona ugu Horayn umahad celiyay isimada  Dhaqanka Gobolka Mudug , wuxuuna caddeeyey in shirku uusan siyaasad ku saabsaneyn, isagoona ku duceeyey in Illaahay waafajiyo kheyrka.

Somalireal/Halgan.net
Godogob

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online