Madaxweynaha DFS oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey ciidamada Nabad sugida

January 6, 2013 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay maanta munaasabada lagu maamuusayey Sanad guuradii 41 aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidamada Nabad sugida ee Soomaaliya waxaana uu xariga ka jarey dhismaha Hey’ada Nabad sugida ee DFS.

Madaxweynaha DFS ayaa khudbad kooban ka jeediyey munaasabada lagu maamuusayey Sanad guuradii 41 aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidamada Nabad sugida ee Soomaaliya waxaana uu u mahad celiyey ciidamada CID isaga oo shahaadooyin iyo Abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ciidanka nabad sugida ee DFS.

Munaasabada lagu maamuusayey Sanad guuradii 41 aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidamada nabad sugida ee Soomaaliya ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidanka DFS waxaana khudbad kooban ka jeediyey Agaasimaha guud ee hay,adda Nabadsugida  DFS Axmed Macalin Fiqi wuxuuna ka warbixiyey waxqabadka ciidanka hay,adda nabadsugida DFS iyo waxyaabihii ay qabteen.

Tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya oo uu majaraha u hayey Maxamed Siyaad Bare ayaa waxaa burburay dhamaan qeybihii kala duwanaa ee ciidanka Soomaaliya  taasna waxay keentay in ay tayo lahaan waayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada DFS .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online