Madaxweynaha DFS oo maanta safarkiisii ugu horeeyay ku gaaraya dalka Maraykanka

January 13, 2013 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku gaarayo dalka Maraykanka.Waxaa safarkaan Madaxweynaha ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan, iyo la taliya-yaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka. Kulamaadaas ayuu Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya. Boqashadaan ayaa waxeey tahay mid muujineyso sida ay uga go’an tahay Madaxweynaha adkeeynta xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka.

Bilihii ugu danbeeyay ayuu Madaxweynaha safaro ku tagay dalalka Geeska Afrika, lana saxiixay heshiisyo laba dhinac ah. Heshiisyadaas oo ku aadan amniga iyo horumarka.

Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya.

Safarkaan ayuu Madaxweynaha kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo 1 ka ah lixda Tiir Siyaasadeed ee Madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.


Malik Abdalla
Director of Communication
Office of the Somali President
Villa Somalia, Mogadishu
mabdalla@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online