Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhigiisa Sudan

January 2, 2013 - Written by

Sudan:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo booqasho ku jooga Sudaan ayaa maanta waxeey la kulmeen Madaxweynaha Sudaan Mudane Cumar Xassan Al-Bashiir iyo golahiisa Wasiiradda.

Safarkaan uu Madaxweynaha ku joogo Sudaan ayaa qeyb ka ah safaro Madaxweynaha uu ku marayay dalalka Geeska Afrika dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay. Safaradaan ayaa waxaa lagu xoojinayaa xiriirka Soomaaliya iyo dalalka ku yaala Geeska Afrika.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha iyo shacabka reer Sudaan sida wanaagsan ay usoo dhaweeyeen wafdiga Soomaliya. Sidoo kalena ku aamanay horumarka ay Sudaan gaartay oo ay ka mid tahay biyo xireenka Damazin ee ku yaala gobolka Blue Nile.

Ugu danbeyntii ayaa labada Madaxweyne waxey la hadleen saxaafadda kuna war-geliyeen in ay ka go’an tahay xoojinta labada dal.

Dhanka kale Wafdigan uu Madaxweynaha hogaamniyo ayaa maanta la kulmay arday Soomaaliyeed oo jaamacado ka dhigta Sudaan. Wuxuuna u sheegay in ay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan kuna wargeliyay Soomaaliya in ay ayaga ay sugeyso loogana fadhiyo in ay dalka dib ugu soo noqdaan.Madaxweynaha ayaa uga digay ardayda in aysan tahriibin oo ay badda ku dhamaan ama dhulka lama dagaanka ah, kuna cel- celiyay in dalkooda wax u dhaamo aysan jirin.

no images were found

Ugu danbeyntii ayuu ku wargeliyay in ardayda ilaaliso sharciyadda dalka Sudan iyaga oo dhowrayo sharaftooda iyo dhamaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online