Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sudan

January 2, 2013 - Written by

Sudan:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka C/Kariim  X.Guled, Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta,Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiir u dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda Dr. Maxamed Nuur Gacal,Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Axmed Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha nabad sugida Mudane Axmed M. Fiqi.

Wafidigan ayaa  waxey maalintii shalay aheyd ka qeyb galeen xafladda xornimadda Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aaday munaasabad lagu furayo biyo xireenka laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka blue Nile. Sidoo kale Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey kulamo la qaateen Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Sudaan. Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labadda dal loo hormarin lahaa.

no images were found

Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda adeegyadda bulshadda ee dowladda Soomaaliya u diyaarineyso goboladda dalka Adeegyadaas ayaa ka kooban amniga, waxbarashada, caafimaadka,garsoorka iyo adeegyadda kale ee bulshadda waxey’na qeyb ka yihiin Lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda (Six Pillar policy).

 Communication Office Office
of the Somali President Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online