Madaxweynaha JFS oo ku sii jeeda Xarunta Midowga Yurub (EU) ee Brussels

January 29, 2013 - Written by

IMG_1021Muqdishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maaalintii labaad ka qeyb galay shirka Midowga Africa uga socda Addis Ababa. R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiyo  Siciid Yusuf Nuur, iyo qaar ka mid ah la-taliyayayaasha Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb galay shirkaan.

Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay Madaxa labaad ee Bankiga aduunka Makhtar Diap iyo wafdi uu hogaaminayay,waxaana ay ka hadleen qaabkii Bankiga Aduunka uga kaalmeyn lahaay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar ka gaarto dhinaca hab- maamuleedka dakhliga iyo canshuuraha.

Kulankaan oo maanta lasoo afjaray ayaa Soomaaliya u noqonayso mid taarikhi ah maadaama Madaxweynaha lagu casuumay in uu khudbad dheer oo ka hadlayso arimo badan oo muhiim ah ka jeediyo oo ay ka mid yihiin Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa deris-wanaag iyo horumar.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa caawa waxey u dhoofayaan Xarunta Midowga Yurub (EU) ee Brussels kadib markii uu Madaxweynaha ka helay casuumaad rasmi ah ururka Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madax kala duwan ee ka tirsan Midowga Yurub (EU)

Safaradda Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah Lixda Tiir Siyaasadeed ee dowlladda oo ku aadan in sare loo qaado xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka. Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in dhamaan Madaxda Dowladdaha Afrika, Xoghaya Guud ee Qaramadda Middobay, iyo Midowga Yurub in dhamaan ay aad u soo dhaweeyeen safarkii uu Madaxweynaha ku tagay dalka Maraykanka iyo aqoonsigii dhawaan dalkaas uu aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib muddo kor u dhaafaysa  20sanno.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online