Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Sudan

January 1, 2013 - Written by

Sudan:Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Sudan gaar ahaan gobalka lagu magacaabo Blue Nile halkaas oo lagu qabtay  xaflad lagu maamuusayo sanadguuradii 57 ee ka soo wareegtay markii ay xoriyada qaateen wadanka Sudan waxaa kale oo lagu daahfuray Mashruuc Biyo xireen ah oo ay dowlada Sudan ka furtay gobalka lagu magacaabo Blue Nile.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Damaaziin ee gobalka Blue Nile Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir waxaana ay wada qaadan doonaa kulan ay ku gorfeyn doonaan xaalada Soomaaliya.

Dowlada Sudan ayaa u balan qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed in ay u sameyso lacag Shilin Soomaali ah waxaana kale oo ay dowlada Sudan ka caawisaa DFS tababarka Ciidanka Booliska iyo kuwa Melatariga.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya masuuliin ka tirsan labada gole ee DFS waa booqashadii ugu horaysay uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago dalka Sudan ilaa iyo intii  loo doortay Madaxwaynanimada Soomaaliya 10 bishii September sanadkii 2012.

A/Cawale
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online