Madaxweynaha JFS Xassan Sh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

January 3, 2013 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar uu maalmo ka hor ku gaaray dalka Sudan. Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ay ka soo dageen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa soo dhaweeyey Ra’iisul wasaare Saacid , Wasiiro , Xilidhibaano ,Saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo AMSIOM.

Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud  ayaa waxaa uu dalka Sudan uga soo qayb galay 57 guuradii ka soo wareegtay  markii ay dalka Sudan qaateen xoriyada .Xaflada ka dib ayaa wafdiga Madaxweyanaha DFS waxaa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha dalka Sudan Col. Cumar Xassan Al-Bashiir iyo qaar ka tirsan Golaha xukuumada.

Madaxweyanaha DFS Xassan Sh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa uu ku gaaray dalka Sudan ku weheliyey  Wasiirka arrimaha gudaha , Wasiirka maaliyada , socdaal kaa ayaa u jeedadiisa waxaa kale oo ka mid ahaa in Madaxda DFS ay xog ka soo ogaado lacag ay dalka Sudan u daabacayso dalka Soomaaliya oo hishiiskeedu uu horay u saxiixay Madaxweynihii hore ee DFKM Sh Shariif Sh Axmed.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online