Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso

January 23, 2013 - Written by

6Boosaaso:-Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ka dib markii uu uga qeyb-galay dalka Jabuuti aas loo sameeyay guddoomihii Bangiga Dhexe ee dowlada Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd.

Madaxweyaha dowlada Puntland Dr.C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland waxaana ka mid ah wasiirka amniga Col.Khaliif Ciise Mudan iyo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Eng:Siciid Maxamed Raage.

Madaxweynaha ayaa saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso Bander-Qasim waxaana uu sheegay in safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti ay ujeedadiisa ahayd in uu u soo tacsiyeeyo ehelada marxuum Jaamac Maxamuud Xayd iyo dowlada Jabuuti.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti in uu kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo qaar ka mid ah wakiilada  safaaradaha ku yaalla dalka Jabuuti waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya .

Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland Xasan Daahir Afqurac oo shalay ku geeriyoodey Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Intaa ka dib ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu kulamo kala duwan kula qaatay masuuliin kala duwan ee xukuumada Puntland xarunta Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso kuwaas oo uga warbixiyey xaalada guud ay ku sugan tahay Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online