Madaxweynihii hore ee dowllada Puntlland General Cadde Muuse oo gaaray Garoowe

January 1, 2013 - Written by

Garoowe:-Madaxweynihii hore ee dowllada Puntlland General Maxamuud Muuse Xirsi Jen.Cadde Muuse ayaa waxaa uu soo gaaray caawa magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland. Jen.Cadde Muuse ayaa waxaa uu socdaal ku soo maray magaalada Boosaaso iyo Qardho isagoo kulamo gaar gaar ah la yeeshay odayaasha , waxgaradka iyo masuuliyiinta dowllada Puntlland.

Madaxweynihii hore ee dowllada Puntlland General Cadde Muuse oo saxaafada la hadlay shalay markii uu soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa uu xusay in uu odayaasha magaalada Qardho iyo maamulka Gobolka uu kala hadlay arrimaha ka taagan Puntlland isagoo General Cadde Muuse uu ahmiyada ugu horaysay uu siiyey amaanka iyo nabadgelayada ka jirta degaanada Puntlland uuna doonayo in xaalada jirta lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad.

Madaxweynihii hore ee dowllada Puntlland General Cadde Muuse ayaa markii uu dib ugu soo laabatay Puntlland waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo arrimaha taagan oo ay isku hayaan dowllada iyo mucaaradka oo ay ugu horayso sanadka lagu eedaynayo in dowlladu ay ku darsatay.

Madaxweynihii hore ee dowllada Puntlland Gen Cadde Muuse ayaa la filayaa in kulamo goono gooni ah uu la yeelan doono Isimmada  iyo nabadoonada ku sugan Garoowe iyo madaxda dowllada si ay iskula meel dhigaan xaalada siyaasadeed ee taagan

M_M_Deeq
Halgan.net

.

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online