Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi oo gaaray Gaalkacyo

January 2, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Madaxweynihii hore ee dowlada Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta duhurkii waxaa uu gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana ku soo dhaweeyey siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo faro badan.

Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa waxaa saxaafada kula hadlay Hotel Sugulle markii uu gaaray magaalada Gaalkacyo waxaana uu sheegay in uu magaalada Gaalkacyo u yimid sidii uu uga shaqeyn lahaa isku keenida Mucaaradaka iyo dowlada Puntlad  kuwaas oo ku muransan wakhtiga ka dhiman xukuumada Madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse  ayaa sidoo kale sheegay in uu la kulmi doono Isimada ,waxgaradka,Nabadoonada , Maamulka Gobalka iyo kan Degmada Gaalkacyo iyo siyaasiyeen ka soo horjeeda dowlada Faroole oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Gen Cadde Muuse ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo amaanka Puntland ayna khilaafka Siyaasiyiinta xukun doonka ah iyo dowlada Puntland aysan saameyn ku yeelan nabadgalyada ka jirtay Puntland .

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa socdaal ku soo maray magaalooyinka Boosaaso ,Qardho. iyo Garoowe isaga oo kulamo kala duwan la soo yeeshay masuuliin ka tirsan Puntland waxaana uu Gaalkacyo ku sugnaan doonaa ilaa iyo birito.

Isimo ,Waxgarad.iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland ayaa haatan wada in la qabto shir weyne ay isigu yimaadaan waxgaradka Puntland si loogu hadlo aayaha Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online