Masjid weyn oo lagu magacaabo Jaamicu Al-Saxaaba oo laga Furay Hargeysa

January 5, 2013 - Written by

Hargeysa:-Waxa laga furay taariikhdu markay ahay 22/2/1434 h waafaqsana  3/1/2013 m laga furay magaalda Hargeysa ee xarunta Somaliland masaajid aad u wayn oo lamagac baxay jaamicu saxaaba masaajidkan  oo  ay  fulisay  jimciyada  Al-manhal  ayaa waxa uu ka kooban  yahay  qaybo  kala  duwan  sida:

Jaamacad, qayb  dumar , guri imam, xafiisyo,iyo qaybo kale oo owqaaf  u ah masaajidka,Hadaba  furitaankii  masaajidka  oo loo sameeyay xaflad  aad loo soo agaasimay ayaa waxa  ka soo  qayb galay  dadwayne aad u tiro badan oo  isugu  jira   wasiiro  ka socda  xukuumada Somaliland  , salaadiin,culimo, odayaal,  Waxgarad iyo Salaadiiin iyo dad weyne kala  duwan.

Xafladan lagu furay Masjid weyn oo lagu magacaabo Jaamicu Al-Saxaaba  ayaa waxaa markii ugu horeysay ka hadlay

1- Shiikh Maxamad  Salaan  Cali  oo ah  gudoomiye  ku xigeenka  jimciyada Al-manahal waxaa sheikhu  ugu horeynba  uu war bixin kooban  ka bixiyay  maraaxishii  uu soo maray dhismuhu ,iyo  qaybaha  uu  ka koobanyahay , isaga  oo  sheegay  in dhismaha  la bilaabay Abril 2010 ilaa  mudadaana  ay  socotay howshu,waxa kale  oo  uu  sheegay  inuu masaajidka  cabirkiisu  yahay  20×30.

no images were found

2-Sheekh Cismaan  Cali  Xuseen ayaa isana ka hadlay xaflada lagu daahfuray masjidka weyn ee Al-Saxaabah waxaa  uu  ku nuuxnuuxsaday  in  lagu camiro  masaajidka  ale kacabsi iyo acmaal  wanaagsan, waxa kale oo uu tilmaamay  ahmiyada  masaajidu  leeyihiin

3-Sheekh Maxamad  aadan  muxumad  oo ah  imaamka  iyo khadiibka  masjidu  Cali  Mataan,Ayaa  isaguna  waxa  uu  ka hadlay nadafada  masaajidka  iyo  dayactirkiisa iyo  in  marwalba  loo  foojignaado,  sidoo kale  waxa  uu  wax ka tilmaamay   jaamacada  iyo  sida  loogu  baahnaa  iyo  ahmiyada  ay u leedahay  guud  ahaan  bulshada.

4- Sh eekh Ciise Maxamuud  C/laahi  oo ah  gudoomiyaha  dhinaca  tacliinta  ee  hay,ada Qarnu  ifriiqiya  iyo  khadiibka  Masjidu  Salaam  ayaa isaguna  dhankiisa  waxa  uu  u mahad  celiyay  jimciyada  manhal  iyo  cidkasta  oo  ka  qayb  qaadatay   hirgalinta  markiskan

5-Dr Cabdi Qan Xuseen  Maxamad  oo ah  madaxa  jaamacada  badar Jaamacadan  iyo  ahmihada  ay inoo  lee dahay  , wax yaabaha  ay  hiigsanayso  mustaqbalka.Mabaadi.da  jaamacada  oo waafaqsan  diinta  islaamka ,qaybaha  ay  ka koobantay jaamacadu,  shahaadooyinka  ay  bixinayso  .iwm

6-Sheekh Cawil  Faatax  Shire  oo ka mida  culimada  magaalda  Hargeysa  ayaa  isaguna  munaasibadaa  ka jeediyey  hadal  gubaab ah isaga oo mahad celiyey Jamciyada Al-Minhal.

7- Suldaan  Maxamad  Xasan  ayaa  isaguna  dhankiisa  waxaa  uu tilmaamay  masaajidka  iyo Waqtigii  nabiga  صلى الله عليه وسلم  ahmiyda  uu ulahaa  mujtamaca iyada oo  looga  faa,iidaysan jiray  dhinacyo  kala duwan

Guntii  iyo  gabagabadii  xafladan  waxaa  soo  xidhay wasiirka  wasaarada  diin iyo awqaafta Maamulka Somaliland  Sheekh  Khaliil  C/laahi ,wasiirka  oo ay  farxadi  ka muuqatay  ayaa  tilmaamay  ahmiyada  uu  u leeyahay  masaajidkani  wasaarada  iyo  wax qabadka  wasaaradiisa ee ku aadan masaajida  ,iyo  ahmiyada  jaamacada inoo  leedahay.

Hargeysa
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. A/C, Alle ayaa mahad leh. intaa ka dib waan idin salaamay dhamaantiin gaar ahaan bahda web site kaan.

    Alle haka amaal mariyo asxaabtii dhistay masjid kaan anagana fursadaan oo kale Alle hana waafajiyo intaan aduun ka joogno.
    Masaajidu waa meel cajiib ah, wax yar haddaad fadhiso waxaad dareemaysaa qabow iyo daganaasho xagga qalbiga iyo jirkaba ah, marka walaalayaal aan ka faaiidaysano.

    Mahadsanidin.
    Sidaa iyo amaana Alla.

  2. Masha Allah waa wax aad loogu farxo waa faa,iido u soo hoyatey Muslimiinta iyo meel ilaahay lagu caabudoo cusub.
    Sidoo kale masaajid kaliya aan lagu ekaan ee ha lagu daro Goobaha adeega Bulshada sida. Rugo caafimaad,Isbitaalo,Meelo xirfadaha yar yar laga barto, Iskuulo bilaash ah oo dadka fuqarada ah caruurtoodu dhigtaan I.W,M.
    Kheyr badan Allaha ka siiyo Cid walba oo fududeysay Dhismaha Masjidkaan Khaasatan Hay,adda Al Manhal.

Leave a comment

*