Mu’asasada Al-Minhaaj oo dawro ku qabatay Hoolka Jaamacada Bariga Afrika (Masawiro)

January 31, 2013 - Written by

1Boosaaso:-Mu’asasada Al-Minhaaj  Ee Dacwada & Horumarinta gaar ahaan faraca G/Barri ayaa waxay ku qabatay magaalada Boosaaso gaar ahaan Hoolka Jaamacada Bariga Afrika Dawro socotay afar cisho habeen iyo maalinba , 12-15/Rabbicul Awal 1434 , oo waafaqsan , 24-7/01/2013 Dawradaan oo ay ka soo qayb galeen arday gaaraysa 220 arday oo ka kala socda qayb ka mid ah arday Jaamacadaha , Macaahida iyo Dugsiyada sare ee Magaalada Boosaaso

Dawradan ayaa intii ay socotay waxay ardaydu qaateen canaawiin kala duwan , Buxuus ay soo diyaariyeen , waxaana kooxkasta oo baxsi loo diray ay Turjomo ka soo Bixiyeen magaca koox walba loo bixiyay oo kala ahaa  maagacyada  Asxaabta  iyo Culumada ugu caansan gayiga soomaaliy ee saxwada soomaaliya hormuud u ahaa,waxaana  ardaydu  guud ahaan uga faa’idaysteen sidii loogu tala galay.

Waxaana ardaydu ka kala socdeen :

Jaamacada Bariga Afrika , Mac-hadka Ibnu Xajar al Casqalaani , Mac-hadka Al-majdi , Dugsiga AL- Imaami shaafici ,  Dugsiga Al- Najaax , Dugsiga ugaas yaasiin , Dugsiga Bandar qaasim, Dugsiga , Arday  kasocotay Dallada Ardayda ka baxday Mac-hadka Ibnu Xajar , Gudigga Dacwada ee Dumarka , arday ka socotay dugsiyaal kale oo badan .

no images were found

Waxaana Dawrada Muwaadiic kala duwan ka soo jeedshay Maamulka Mu’asasada , iyo Qayb ka mid ah Culimada Puntland . Mu ‘asasasadu waxa ay dugsiyada gobolka Bari u qaban doontaa dawrooyin noocaan oo kale ah hadii alle idmo maadaama gobalka Bari uu yahay gobal aad u weyn ayna ku yaalaan macaahid iyo Iskuul aad u tiro badan.

Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj 
Boosaaso
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. walaalayaal aad baad ugu mahad santihiin sida aad bulshada ugu soo gud binaysaan wax yaalaha muhiim ka ah, dacwadana uga shaqay naysaan

  2. aad baad umahadsantihiin walalaha halgan iyo sidaad bulshada ugu adeegaysaan

Leave a comment

*