M/weynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse oo la filayo in uu soo gaaro Gaalkacyo

January 2, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in la filayo saacadaha soo socda in uu soo gaaro magaalada Gaalkacyo Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi .

Magaalada Gaalkacyo ayaa haatan waxaa ka socda kulan lagu gorfeynayo sidii loo soo dhaweyn lahaa Gen Cadde Muse Xirsi oo wada dadaal uu isigu keenayo dowlada Puntland iyo siyaasiyeen wasiiro ka soo ahaa Puntland oo ku muransan xiliga ay dhamaaneyso wakhtiga xukuumada Faroole.

Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa kulan Xasaasi ah oo adeg la yeeshay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamuud Faroole magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay in wax badan ay isla meel dhigeen qodobada qaarna ay u dhiman tahay

Madaxweynihii Hore ee Puntland Gen Cadde Muuse ayaa sidoo kale kulan kula yeeshay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar Masuuliinta gobalka iyo kan Degmada Qardho ,Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada Puntland iyaga oo ku heshiiyey in nabada la ilaaliyo.

Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa la filayaa marka uu soo gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug in uu kulamo la qaato Masuuliinta gobalka iyo kan Degmada Gaalkacyo waxgarad iyo Siyaasiyiin ku sugan Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online