Ra’iisal Wasaaraha DFS oo Shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho

January 19, 2013 - Written by

R_Wasaare_SaacidMuqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay go’aanka Dowladda Mareykanka ee ahaa inay Aqoonsatay Dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna ku tilmaamay go’aankaas talaabo Horumar leh dalka & dadka Soomaliyeedna dan u ah.

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa sheegay in aaney iska imaan aqoonsiga Dowladda Mareykanka balse ay ku timid Dhabar adeyg, Hufnaan iyo Midnimada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale Horumarada siyaasadeed ee  ugu dambeeyey sida Doorashooyinkii Baarlamaanka, Madaxweyne Hassan Sheikh iyo soo dhisidii xukuumada kooban.

“Dadaalka Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ayaa ka dambeeyay aqoonsiga Mareykanka ee dowladda Soomaaliya waayo waxaan dhisanay oo aan yeelanay Dastuur, Baarlamaan Demoqoraadi ah, Xukuumad iyo Madaxweyne isbedel doon ah” ayuu yiri R.wasaaruhu isagoo uga mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Mareykanka kalsoonida buuxda ee ay geliyeen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay Dowladdaha kale ee Caalamka inay ku daydaan talabaadan Dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay Dowladda Soomaaliyeed, isagoo u mahadceliyay Dowladihii iyo urur goboleedyadii horay u aqoonsaday 

Tacsi.

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa waxa uu isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan Tacsi u diray Alle ha u naxariistee, Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo taariikhdu markay aheyd 18-Janaayo 2013 ay kooxo hubeysani ku toogteen magaalada Muqdisho. Mudane Saacid wuxuu si gaar ah Tacsi ugu diray Qoyskiisa, Qaraabadiisa iyo Warbaahinta Shabelle oo uu ka howlgali jiray wariye Abdi Xareed.

” Aad baan uga xumahay geerida Wariye Cabdi Xareed Cismaan aadbay ii taabatay waxaana muragadaasi la qeybsanayaa Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka” ayuu yiri R.wasaaruhu wuxuuna Tacsi taasi la mid ah u diray bahda Warbaahinta iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

R.wasaaraha ayaa xusay in dilka Wariye Xareed ay Laamaha ammaanku soo gaarsiiyeen warbixin kooban, balse uu ku wargeliyay in loo soo gudbiyo warbixin dhameystiran, si deg deg ahna looga howlgalo si talaabo looga qaado kooxihii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee geystay falkan,

Xarigga Wariye Koronto.

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa sidoo kale ka hadlay xarigga wariye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto oo todobaadkii labaad ku jira gacanta Dowladda, wuxuuna ku tilmaamay in arrintani uu aad isugu howlay sidii loo soo gabgabeyn lahaa, hay’addaha amniga iyo maxkamadana uu faray in si deg deg ah kiiskan loo soo afjaro, haddii uu dembi ku cadaado Weriyahana la waafajiyo sharciga, haddii uu ku cadaan waayona, sharciga lagu qaado. Wuxuuna ugu dambeyntii ku celiyay in Xukuumadu ay ilaalinayso Xorriyadda hadalka iyo mida saxaafada.

—Dhamaad—

Garad Salad Hersi
Press Officer 

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online