Raisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo xafiiskiisa ku qaabilay Jeffrey Feltman

January 30, 2013 - Written by

IMG_9462Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada Jeffrey Feltman waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, dowrka ay dooneyso in Q/midoobay ay ka cayaarto geeddi socodka Nabadda Soomaaliya iyo dhinacyada ay ka taageeri karto sida Garsoorka, Amniga iyo Dib u dhiska dalka.  Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen Warbaahinta ayay ku faah faahiyeen natiijada kulanka iyo waxyaalaha la isla gartay.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Saacid ayaa xusay in kulankoodan ay uga wadahadleen sidii Q/midoobay ay u taageeri laheyd Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaana taabagelinta qorsheyaasha Dowladda ee dhinacyada Garsoorka, Sugida Nabadgalyada dalka iyo weliba guud ahaan Dib u dhiska.

“Waxaanu si qota dheer uga wadahadalnay qodobo badan oo ay ugu horeyso aragtida Soomaaliyada cusub, iyo sidii Q/midoobay uga taageeri laheyd sidii Soomaaliya ay awood ugu yeelan laheyd sugida Amniga iyo dib u dhiska dalka” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in booqashada Kaaliyaha Xoghayaha guud ay caddeyn u tahay sida Caalamku u doonayo inuu u garab istaago Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

no images were found

Kaaliyaha Xoghayaha guud Mr. Jeffrey Feltman ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kulan la qaato R.wasaaraha Xukuumada Rasmiga ah Mudane Saacid, isagoo tilmaamay in kulankani uu daba socdo kulan dhowaan dalka Itoobiya ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Xoghayaha guud ee Q.midoobay Mr. Ban Ki-moon.

“Runtii wuxuu ahaa kulankani kulan muhiim ah oo aanu ka gaarnay isfaham iyo natiijo wanaagsan” ayuu yiri Feltman oo xusay in Q.midoobay ay u muuqato fursad wanaagsan oo ay ku garab istaagi karto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee iyagu go’aansaday inay aayahooda hagaajiyaan, doortayna dowlad rasmi ah.

Kaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in go’aan ka gaarista Aayaha Soomaaliyeed uu ku jiro gacanta madaxda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Q/midoobayna ay uga dambeyneyso go’aamadooda, isagoo dhanka kale xusay in ay taageero u hayaan Dowladda iyo qorsheyaasheeda lixda ah oo haddii la taabageliyo keeneysa Horumar weyn oo dhinac kastaba leh.

Kulankan R.wasaaraha iyo Kaaliyaha waxaa kale oo ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C.kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Faqi, Wasiirka Garsoorka Mudane C.llaahi Ebyan Nuur, iyo dhanka Q.midoobay oo uu ku wehliyay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Amb. Augostine Mahiga.

—–DHAMAAD—–

Garad Salad Hersi

Press Officer PM office

Mob.+252-61-5536608

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online