Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo kormeer ku tagay Degmada Afgooye

January 20, 2013 - Written by

DSC02216Afgooye:-Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta booqasho rasmi ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waana socdaalkii ugu horeeyey oo uu Raisulwasaare Saacid uu ku tago Degmada Afgooye ilaa intii xilka loo dhiibay.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa si weyn u adkeeyey amaanka  wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye waxaana socdaalka ku weheliyeyR/wasaare Shirdoon wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadiisa waxaana ka mid ah wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeeno iyo  taliyaasha ciidamada Nabadsugida , Booliiska iyo kuwa Melatariga.

R/wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa uu kulan la qaatay maamulka iyo duqeyda iyo waxgaradka Degmada Afgooye isaga oo ka dhageystay warbixino kala duwan waxaana uu sheegay in ay wax ka qaban doonaan cabashooyinka ay u gudbiyeen madaxada DFS

R/wasaaraha DFS ayaa waxaa uu digniin u diray askarta DFS waxaana uu sheegay in dowladiisa aysan marna aqbali doonin in tacdi loo geysto shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ;kormeer kooban ka dib ayaa Raisulwasaare saacid waxaa uu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online