Raisulwasaaraha DFS iyo wafdi uu horkacyo oo gaaray deegaanka Shalanbood

January 31, 2013 - Written by

saacidMuqdisho:-Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha DFS  Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhow gaaray deegaanka Shalanbood oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose waxaana socdaalka ku weheliyey Raisulwasaaraha DFS xubno ka tirsan golaha wasiirada .

Raisulwasaaraha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey wasiirada kala ah Wasaaradda G/dhiga DFS  C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Maalliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga DFS Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidammada Booliska Jen Shariif Sheekh Unaa Maye Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda  Eng Axmed Macalin Fiqi,iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.

Wafdi Raisulwasaaraha DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay doonayaan in ay maamul u sameeyaan gobalka Sh/hoose Raisulwasaaraha ayaa la filyaa in isla maanta gaaro degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

227,819 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>