R/W DFS oo ka qeyb galay maanta banaanbax ka dhacay Muqdisho(Warsaxaafadeed)

January 21, 2013 - Written by

DSC02643Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay Banaanbax ballaaran oo ay ku taageerayeen go’aankii Dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay Dowlad-nimada Soomaaliyeed oo ay kala noqotay kadib burburkii Dowladdii Soomaaliyeed 1991, wuxuuna Banaanbaxani ka dhacay Beerta Nabadda oo dhowaan laga dhisay nawaaxiga Isgoyska Ceel-gaab ee magaalada Muqdisho. 

Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dadkuna ay wateen boorar iyo sawiro ka tarjumaya soo dhoweynta go’aankii dowladda Mareykanka ay dib ugu aqoonsatay dowladda Soomaaliyeed. 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khudbada xamaasad leh ka jeediyay Banaanbaxan ayaa u mahadceliyay dadweynihii isugu soo baxay maanta goobta si ay u muujiyaan shucuurta  faraxada leh oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay faraxsanyihiin go’aankan Taariikhiga ah ee Dawladda Maraykanka ay gaartay. xilli ay jirto cadceed aad u kulul. 

no images were found

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in isaga oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed uu soo dhoweynayo go’aankii Dowladda Mareykanka ee ay dib ugu aqoonsatay Dowladnimada Soomaaliyeed. 

“Waxaan rabaa inaan munaasabadan si gaar ah ugu xuso, aqoonsiga ay dowladda Mareykanku siisay dowladda Soomaaliyeed 22 sano kadib, Mareykanka iyo dadkeedaba waan uga mahad naqeynaa talaabadan ay ku garab istaagtay dowladnimada Soomaaliya, waxayna timid waqti xasaasi ah oo aanu u baahneyn, waana  saaxiibo na garab istaagay, caalamka kalena gaarsiiya dadaalkeena ayaanu leenahay” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo xusay in go’aankani uu ku yimid Dhiiranaan, Wadajir iyo Midnimada ay muujiyeen dowladda qeybaheeda kala duwan sida Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxtooyada. 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in talaabadani ay ku timid qiimeyn baaxadleh oo ay dowladda Mareykanku ku sameysay horumarka siyaasadeed iyo isku duubnida dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Waxaanu sameysanay muddo gaaban gudaheeda, Dastuur, Baarlamaan kooban, iyo isbedel ay ku yimaadeen Baalamaan iyo Hogaankiisa, Madaxweyne, iyo Ra’iisal Wasaare, dhamaan talaabooyinkaasina waxay muujiyeen in Soomaalida ay ka go’antahay inay horay u socdaan” ayuu yiri R.wasaare “Saacid”. 

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa ka hadlay ololaha nadaafada ee gobolada dalka, arinkaas oo ay go’amiyeen golaha Wasiiradda waxayna bilaaban doontaa 27 illaa 31-ka bishan Janaayo, wuxuuna u ballan qaaday degmooyinka gobolka Banaadir degmadii ku guuleysata kaalinta kowaad in lagu abaalmarin doono lacag dhan 15 kun oo Dollar, degmadii labaad gashana lagu abaal marin doono 10-kun oo Dollar, halka midii kaalinta saddexaad gashana lagu abaal marin doono 5 kun oo Dollar. 

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey, Maamulka gobolka Banaadir oo soo qaban qaabiyey isu soo baxaan, Fanaaniinta, Wariyayaasha, Barbaarta Gaashaaman, Ciidanka Baambayda iyo Ciidamada kala duwan ee sugayey Amniga.

—–DHAMAAD—-

Garad Salad Hersi
Press Officer

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online