Sheekh Maxamuud Shible oo caawa muxaadarooyin taxane ah ka bilaabay Masjidka Al-Hidaaya

January 18, 2013 - Written by

N1airobi:-Sheekh Maxamuud Shible ayaa caawa muxaadarooyin taxane ah ka bilaabay magaalada Nairobi gaar ahaan Masjidka Al-Hidaaya waxaana aad loo soo buuxdhaafiyey muxaadarada Sheekh Maxamuud Shible ,Sheekha ayaa Muxaadaradiisa waxaa uu diirada ku saaray المشاركة السياسية Al-Mushaaraka Al-Siyaasiya ama ka qeybgalka  siyaasada &{ dawladaha}

Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa marka hore uu caawa si hordhac ah uga hadlay ka qeybgalka Siyaasada iyo dowladaha in culumada Islaamka ay ku kala aragti duwan yihiin waxaana uu Sheekhu Sheegay in Masaa,il khilaafi ah oo aan Ijmaac ahayn in ay dhacdo in dadka lagu gaaleysiiyo ka dibna dhiigooda la baneysto waxaana uu tusaale u soo qaatay saaxada Soomaaliya.

Warbixinta Muxaadarada Sheekh Shible ee Masjidka Al-Hidaaya iyo Muxaadara Sheekha waan idiin soo gudbin doonaa inshalaah

Yaasiin Cabdi Ahmed
Nairobi
Kenya

3 Comments so far

Leave a comment

  1. asc waad salaamiintihiin walaalaha halgan.net fadlan walaalayaal soo gudbiya maxaadiraatka sheesha si dhakhso leh

  2. walaalayaal muuqaalkii muxaadaraadkii musalsalka ahaa ee sh.shible aaway ma aydan soo geline. fadlan Rabi kheyr ha idin siiyee noola soo dhakhsada Rabi xasanaatka ha idiin dedejiyee. asc wr wb.

  3. Asc Salaanta islaamka kadib. fadlan halgan.net waxaan idinka codsaneynaa in aad noogu soo gudbisaan muxaadaraadka uu bilaabay fadiilatu sh Maxamuud Shible (xafidahullaah) sida oogu dhakhsa badan. waadna mahadsantihiin

Leave a comment

*