Sh Maxamuud Shible oo soo afmeerey Muxaadaradii uu uga hadlayey ka qeyb galka golayaasha dowladaha

January 21, 2013 - Written by

10Nairobi:-Sheekh Shible oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay masaajidka Hidaaya ka waday Muxaadaro uu uga hadlayey ka qeyb galka golayaasha dowladaha, ayaa shalay ku soo afmeerey qeyb uu uga hadlayey Sh. Xassaan Xuseen, taasoo uu ku soo bandhigay hadallo maqal iyo muuqaal ah oo uu Sh. Xassaan ku kala hadlay, marka uu mowduucaan ka hadlayey.

Sh. Maxamuud, ayaa ugu horreyn sheegay in hal qodob uu ka soo qaadanayo aqwaasha Sh. Xassaan, kaasoo ahaa gaaleysiintii uu xarakada Al-Ictisaam ku gaaleysiiyey aragtidooda ku saabsan in la gali karo golayaasha xukuumadaha iyo baarlamaanada haddii maslaxadda umadda lagu xaqiijinayo.

Waxaa la soo bandhigay Sh. Xassaan oo dhahaya Ictisaamku waa gaalo, kuna gaaleysiinaya inay kufri u banneeyeen maslaxad, waxaana markaas kaddib Sh. Shible uu soo bandhigay hadalkii Sh. Xasaan oo maqal iyo muuqaal ah, iyadoona uu sidoo kale soo bandhigay Sh. Xassaan oo  hal cudur daar oo kaliya soo reebaya, kaasoo ah Ikraah ama khasbid, isagoona meesha ka saaray in jahli iyo wax kale loogu cudur daaro ciddii gaalnimo ku dhacda, waa sida Sh. Xassaan uu wax u arkee.

Intaas ka dib ayaa Sh. Shible wuxuu banaanka keenay iyadoo maqal iyo muuqaal ah: SDh. Xassaan oo fatwoonaya in la gali karo baarlamaanka dalka Kenya, isagoona u banneeyey in maslaxad loo gali karo, wuxuuna tusaalayaal u soo qaatay in dadka Muslimiinta ah ee baarlamaanka Kenya ku jira ay culeysyo ka khafiifiyeen dadka Muslimiinta ah, wuxuuna “Sh. Xassaan” dadka markaas ku boorrinayey inay doortaan dad musliin ah oo matala, maadaama ay dalka joogaan, isagoona dhinaca kale dadka arrintaas diiddan la yaabay, waa fikirkiisii horee.

Mar kale ayaa waxaa la soo bandhigay Sh. Xassaan oo dhahaya ” xiligii aan mas’aladaas fatwoonayey xaaladda dhabta ah waxaan ka ahaa Jaahil, iimana kala caddeyn” taasoo sida meelo kale uu ku sheegay aan arrintan oo kale la isugu cudur daareyn, cudur daarka kaliya ee uu oggolaana ay ahayd Khasbid ” Ikraah”.

Intaas kaddib Sh. Shible ayaa sheegay in wixii uu Sh Xassaan Ictisaam ku gaaleysiiyey uu isaguna sameeyey marka ay u furan tahay oo kaliya inuu isku xukumo fataawidiisa haddii kale uu qirto inuu ku khaldamay gaaleysiinta Ictisaam, tan dambena ay tahay midda fiican oo Sh. Shible jeclaan lahaa, uuna aaminsan yahay.

Ugu dambeyntii: Sh. Shible, ayaa sheegay inuu hayo masaa’il kale oo kuwan la mid ah, balse marka duruuftu u saamaxdo uu soo bandhigi doono, isagoona intaas ku soo afmeerey muxaadaradiisii saddexda maalmood soo socotay, dadkii dhageysanayeyna ay aad uga maqsuudeen.

Halgan.net iyo Somalireal ayaa idiin soo gudbin doona Muxaadaraadkii Sheekh Maxamuud Shible hadii alle idmo

Somalireal/Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Jazaakalaah. Alaah haku xifdiyo sheekhanaa

  2. asc waxaan idinka codsanayna sheikh maxadaradkisa oo mp3 ah inad nosogalisan jazakum allaah

  3. asc walalayaal waad mahadsantihiin bahdiina halgan iyo sheikh mohamoud waxan idinka codsaneynaa inaad video ga muxaadarada aad noo gudbisaan insha allah asc

  4. asc walaalaha halgan aawey muxaadaradii shiikha oo aad noo balan qaadeen inaad noo dhigi doontiin

Leave a comment

*