Shirka Golaha Wasiirada DFS oo looga hadlay arimo kala duwan (Warsaxaafadeed)

January 7, 2013 - Written by

Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda maaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha  Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta la hadlay markii la soo gebagebeeyey shirka ayaa u sheegay in ay uga doodeen arrimo ay ugu muhiimsanaayeen Ammaanka iyo horumarka ay ciidamada Qaranku ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka, taasoo lagu wiiqay awooda kooxaha nabadiidka ah.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay howlgalada ay ciidamada Dowladdu ka wadaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasoo ciidanka Dowladdu kula wareegeen degaanno cusub oo ay awood uga saareen kooxihii Nabad-diidka ahaa ee shacabka ku dhibaateynayay goobahaas.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ee Xukuumadda ayaa Guddi u saaray sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa waxqadka Xukuumadda ee boqolka (100) maalmood oo ay ka harsantahay mudo yar. Waxaana loo saaray Guddi ka kooban 5 Wasiir iyo 3 xubnood oo ka socota Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday soo jeedin ka timid urur goboleedka IGAD kaasoo looga dalbaday Dawladda Soomaaliya inay soo gudbiso qorshe ku saabsan dhisme laba Jid oo ka mid ah Jidadka gala Wadamada Deriska ah taas oo ay ku tabaruceen dhismaheeda si uu u fududaado isu socodka dalalka ku bahoobay ururka IGAD, sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti

Ugu danbayntii Golaha ayaa isku raacay in la sameeyo Ciidamada sida deg degga u hawlgala ugana jawaaba dhacdooyinka ka dhaca magaalda muqdisho, kuwaas oo loogu talagalay inay hawl gallo fuliyaan marka la soo gaarsiyo dignino ku aadan arrimaha nabad galyada, iyadoo isla markaa loo samaynayo dadka ku dhaqan Muqdisho telefoono ay soo garaacaan marka ay arkaan wixii halis ku ah nabad galyada.

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the Prime Minister

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online