Shirkii Odayaasha dhaqanka Gobolka Mudug ugu soo xirmay Degmada Goldogob

January 3, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa maalin ka hor ku soo gabagaboobay magaalada Goldogob shir u socoday isimada dhaqanka ee Gobolka Mudug waxaan shirkaas abaabulkiisa lahaa Suldaan C/salaan Suldaan Maxamud ahna Madaxa xarunta ka shaqaysa Nabadda Geeska Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Isimmo si weyn looga qadariyo degaanada Mudug iyo degaamada Puntlland waxaan shirka uu u badnaa xog waraysi ku aadan ka shaqaynta dhinac nabadgelyada iyo in la iska kaashado horumarka kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Mudug.

no images were found

Hoos ka eeg Baaqa laga soo saaray Shirka isimmada uga socday Galdogob

  1. In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta nabadgalyada gobolka iyo midda guud-
  2. In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda mida guud iyo mida gobolkaba.
  3. In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah.
  4. Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii laga lahaa shirka.
  5. Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad.

 Isimada Shirkaan ka qeybgalay baaqana soo saaray

 

Ugaas Cali Ugaas Maxamed

Islaan Bashiir Islaan Cabdille

Ugaas C/qaadir Cilmi Filig

Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed

Suldaan maxamed Jamac Shire

Islaan Xassan Cigaal

Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas

Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle

Suldaan Cabdi Bile

Suldaan C/rishiid Muuse Shire

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online