Wafdi heer sare ah oo ka tirsan xukuumada DFS oo gaaray magaalada Baydhabo

January 28, 2013 - Written by

Baydhabo4Baydhabo:-Wafdi ka kooban wasiiro ka tirsan DFS ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay waxaana wasiirada ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo masuuliin ka tirsan Maamulka magaalada Baydhabo .

Wafdiga maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha C/Kariin Xuseen Guuleed ,Wasiirka G/dhiga eee DFS  C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jen Shariif Sheekhunaa Maye iyo saraakiil kale.

Wafdiga ka tirsan DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay Maamul u sameeyaan gobalada  Baay  Bakool xili uu halkaas ka socdo kulan ay ka qeybgalayaan waxgaradka iyo siyaaasiyiin Bay iyo Bakool.

Maalmahan ayaa waxaa ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay shirar ay wadeen waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Bay iyo Bakool si Maamul gobaleed loogu sameeyo gobalka Bay Bakool  mana cada ilaa haatan mowqifka madaxda DFS .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online